Xasan Sheekh oo dalab ku aadan Gedo u diray hogaanka DF

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay wuxuu Madaxtooyadda Garowe kaga qeybgalay dabaaldega sanad-guuradii labaad ee kasoo wareegatay doorashadii hogaanka haatan ee dowladda Puntland - Saciid Deni iyo ku xigeenkiisa Karaash.

Xasan oo khudbadiisa diiradda ku saarey arrimo ay kamid tahay doorashooyinka 2020-21 ayaa soo bandhigay saddexda qodob ee wali aan la xalin oo ah; qadiyada gobolka Gedo, guddiyada lagu muransan iyo xulista wakiilada maamulka Somaliland ee baarlamaanka.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Midowga Nabada iyo Horumarka ayaa carabka ku adkeeyay "in qodobadan aan lagu xalin karin wadahadalo telefoon una baahan yihiin in shir la isugu yimaado".

Madaxda dowladda federaalka ayuu kula taliyey in ay qaban-qaabiyaan shir looga arrin-sanayo xal u helida arrimahaan "maadaama dadka loo doortay hogaaminta dalkana ay ayagu yihiin".

Qadiyadda gobolka Gedo ayuu adkeeyay in muhiim ay tahay in lagu dhameeyo "sidda maamulada kale u qabsanayaan doorashooyinkooda" isaga oo xusay "in ay fahmi la'yihiin sababta madaxweyne Farmaajo u doonayo in Jubaland aysan maamulin doorashada Gedo".

"Waxaan ka rabnaa madaxda dowladda federaalka in ay noo sharaxaan sababta aysan gobolka Gedo oo ah degaan doorashada labaad ee lagu heshiiyey in ay doorashada ka dhacdo aysan uga qabsoomi karin," ayuu ku daray.

Rajo wanaagsan ayuu rajeeyay in maalmaha soo aadan "uu soo bixi doono war farxad leh oo ku saabsan khilaafka doorashooyinka".

Dhanka kale, musharax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaanay wax-qabadka Puntland mudadii ay jirtay. Maamulada kale ayuu rajeeyay in ay talaabadaas oo kale ay qaadi doonan.

Puntland ayaa hormuud u ah nidaamka federaalka ee ka hana qaadey Soomaaliya, waxaana ay dowlad goboleedyadda ka caawisay sidii ay ula jaanqaadi lahaayeen nidaamkan iyo siyaasadaha wasaaradaha.

Madaxda Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo waqtigooda dastuuriga ah uu dhamaad ka yahay ayaa wajahaya eedeymo ay kamid yihiin in ay kasoo horjeedaan nidaamkan ayna doonayaan in ay hirgeliyaan xukuumad dhexe oo xoog leh. Balse Xasan wuxuu kula taliyey "in ay ka waantoobaan kelitalisnimo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM