Xasan Sheekh oo dhambaal u diray Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya

Image
Fariintan ayaa ku saabsan xiriirka labada dal, sidda lagu sheegay qoraal ay faafiyeen labada dowladood.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fariin qoraal AH u diray dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan, dhambaalka qoraalka ayaa ahaa mid la xiriira xoojinta xiriirka labada dal.

Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Siyaasadda ee Boqortooya Sacuudiga,Daljire Sacuud bin Maxamed Al-Sati ayaa maanta kusoo dhaweeyay Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Danjire Dahir Maxamuud Geele xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Riyadh, kana guddomay dhambaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan gaar ah magaalada Nairobi kula yeeshay Madaxa Bangiga Horumarinta Afrika Mudane Akinwumi Adesina.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa masuuliyiinta Bangiga Horumarinta Afrika u xaqiijiyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dib u habeynta dhaqaalaha, isagoo ku booriyay madaxda Bangiga in ay laba jibaaraan dadaalkooda iyo maalgashigooda, si loo gaaro horumar iyo kobac waara oo ka hana qaada gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM