Xasan Sheekh oo difaacay xiriirka dhow uu maamulkiisa la leeyahay Turkiga

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad ka qabsoontay Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen Dufcaddii 6-aad ee Layli Saraakiil  ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa abaal-marinno guddoonsiiyey Saraakiisha gashay kaalmaha hore. 

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Saraakiisha maanta qalinjabiyey in ay hormuud u noqdaan halganka Qaran ee dalka looga xoreynayo Al-Shabaab caqabadda ku ah amniga, xasilloonida iyo horumarka dalka iyo qorshaha dib dhiska ciidamada Xoogga dalla Soomaaliyeed.

“Waxaad soo gaarteen marxaladdii ugu muhiimsanayd ee taariikhdiinna kamid noqoshada CXDS. Waxaad hibeyseen wixii ugu qaalisanaa ee aad haysateen oo ah naftiina, waxaana la idinka sugayaa in aad dadkiina ka kor qaaddaan argagixisada nolosha u diidan," ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga dadaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi mug weyn.

"Walaalaha Turkiga waxay naga gacan siiyeen dhinacyo badan sida dagaalka khawaarijta dowladda iyo shacabka  Soomaaliyeedna way u abaal celin doonaan," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM