Xasan Sheekh oo diray codsi ku aadan cunaqateyn saaran Soomaaliya

Image
Dalabkan ayuu hor-dhigay diblumaasiyiinta ku sugan Muqdisho kadib markii uu ku qaabilay Villa Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Muqdisho waxa uu kula kulmay Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Itoobiya, Wakiillada Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Sidda ay sheegtay Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa diblumaasiyiinta waxa uu uga warbixiyey miro-dhalka halkan dalka lagaga xoreynayo argixisada Alshabaab.

"Madaxweynaha ayaa xusay sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ay u xoreeyeen deeganno badan oo ka tirsan Gobollada Shabeellaha Hoose, Hiiraan iyo Galguduud, taas oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay dowladda in ay ka cirib-tirto dalka argagixisada caqabadda ku noqotay dowladnimada iyo horumarka dadka Soomaaliyeed," ayay tiri Villa Soomaaliya.

Shacabka iyo dowladda ayuu carabka ku dhuftey "in ay u mideysan yihiin xoreynta dalka, waxa uuna ku adkeeyey Wakiillada Beesha Caalamka in ay ku gacan siiyaan halgankaas, gaar ahaan olalaha qaadista cunaqateynta hubka ee saaran Soomaaliya oo muhiim u ah dagaalka ka dhanka argagixisada".

"Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey howlgallada xoreynta deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, waxa ayna tilmaameen in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan gurmadka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka ku sugan deegaannada la xoreeyey," ayay warisay Villa Soomaaliya.

Kulankan ayaa kusoo hagaagaya xilli xukuumadda federaalka ay Arbacada maanta ah shaaca ka dhigtey in howlgaladii ugu dambeeyay ay ciidamadda iyo dadka degaanka ku khaarijiyeen in ka badan 2,000 Al-Shabaab ah balse ma aysan soo bandhigin caddeymo xooggan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM