Xasan Sheekh oo eedeyn kulul u jeediyay dowladda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay xorriyada hadalka Soomaaliya, oo uu ku tilmaamay in ay mareyso "heerkii ugu hooseysay".

Gudoomiyaha xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka ayaa carabka ku adkeeyay in dhibaatada haysata wariyaasha ay la qabaan siyaasiyiinta, oo xusay in aanu soo bandhigi karin waxa ka guuxaya.

Madaxda ugu sareysa dowlada ayuu hoosta ka xariiqay in ay kala hadlaan arrintaani, isaga oo daboolka ka qaaday in ay u sheegeen in aanu ku qanacsaneen sida ay haatan wax u socdaan.

Maxamuud ayaa ku taliyay in wax kaga bedalo habdhaqanka ka dhanka ah saxaafada xorta ah, si buu yiri bulshada u hesho xog dhameystiran, siyaasiyiintuna u soo bandhigaan dhaliilaha xukuumada.

Isaga oo sii hadlaya ayuu si cad daaha uga rogay "in kalsooni daro haysta madaxda hogaanka haysa ay tahay in ay isku dayaan caburinta saxafiyiinta iyo siyaasiyinta" taasi oo xusay in ay tahay talaabo "aan habooneen".

"Inaga ma taageersanin arrintaasi, horeyna waanu u sheegnay hadana waanu ku celinaynaa…waxayna kamid tahay xuquuqaadka ay leeyihiin muwaadiniinta shuruucda dalka u taalo ayaana dhigeysa," ayuu Xasan u sheegay Kal-fadhi.

Hadalka gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UPD ayaa kusoo aadaya iyada oo shalay Muqdiho tacadi ba’an loogu geystay wariyaal warbixin ka sameynayey xirnaan-shiyaha wadooyinka Muqdisho.

Sawiro iyo muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinayey wariye iyo muuqaal-duube gacmaha iyo lugaha laga xiray oo xabadka dhulka looga dhigay, taasi oo ay ka dhalatay caro ba’an.

Madaxtooyada Soomaaliya oo arrintaasi ka hadashay waxa ay sheegtay in ay ka xun tahay sidii ay wax u dhaceen, waxayna ka bixisay raali gelin buuxda, inkasta la dhowrayo talaabo laga qaado askartii falka geysatay.

Somalia oo ah dal kasoo kabanay burbur iyo colaado ayaa sanad kasta safka hore ka gala liiska wadamada ay adag tahay in ay wariyeyaal ku shaqeeyaan, iyada oo ay si joogto ah ula kulmaan dil, han-dadaad iyo barakicin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo ansixiyey $10 milyan oo taageerayo hawlgalka Soomaaliya

Lacagtan ayaa lagu xoojinayaa awoodda hawlgalka AUSSOM maadaama uu ka wareegayo hawlgalka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 01:54PM

Villa Somalia oo Ciidamo u dirtay Gedo oo qarka u saaran inuu dagaal ka qarxo

Xiisadda u dhaxeysa ciidamada federaalka iyo kuwa la safan Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe ahayd mid kacsan.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 11:59AM