Xasan Sheekh oo fariin toos ah u diray Beesha Caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Saaxiibadda caalamka ee Soomaaliya waa in ay doorka ay ku leeyihiin ka samata bixinta waddanka mar-xaladda uu ku jiro ay u cayaaraan dhanka dhexhdexaadnimadda, sidda uu Axada maanta ah kula taliyey madaxweynihii 8aad ee waddanka, Xasan Sheekh Maxamuud.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Midowga Nabada iyo Horumarka oo kasoo muuqdey shir jaraa'id oo ay Hotel Jazeera ee Muqdisho ay ku qabteen musharaxiinta ayaa ku eedeeyay dowladda Farmaajo in ay ku fashilantay in ay dalka ka hirgeliso doorasho loo-dhan-yahay.

Intii uu shirka jaraa'id ka hadlayey, Xasan ayaa sheegay in banaanbaxa ay Musharaxiinta u muddeeyeen Jimcadda uu yahay "banaanbax nabadeed oo lagu xoojinayo codadka shacabka Soomaaliyeed".

"Dalkan mushkilad ahayn hogaanka maanta jooga ma jiro. Farmaajo muskhilada ayuu qeyb ka yahay maahinee, xalka qeyb kama ahan," ayuu xusay isaga oo hogaanka dalka ku eedeeyay xaalad abuurid.

Mar uu soo hadal-qaadey dhegxaan ay dowladda Soomaaliya dhigtay isgoyska mashquulka badan ee Dabka ayuu su'aal ka keenay sababta dowladda ciidan u geyneyso Gedo iyadda oo sugi la' amniga caasimada.

"Amni daradda ayaa magaaladda Muqdisho laga joogi la’yahay, wadadii dabka ee Maka Al Mukarama ayaa dhegaxyo dhinaca laga dhigaya laakiin ciidan iyo qalab ayaa diyaarad lagu daabulayaa oo gobolka Gedo la geynayaa. Xataa hadii maamulka ay hoostagaan hadii dowladda is-khilaafsan yihiin waa in wadahadal lagu dhameeyo. Dhuusamareeb iyadda oo wadahadalkaas diyaar loo yahay madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey isaga ayaa kasoo tegay," ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh Maxamuud.

Diblumaasiyiinta reer dalalka caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho oo saameyn ku leh shirarka looga arrin-sanayo mar-xalada kala guurka ee waddanka ayuu ku booriyey in ay dhexdhexaad ka noqdaan.

"Saaxiibada Soomaaliya eedeyn mayno kaaliin waan kula talinaynaa; xalka in ay qeyb ka noqdaan oo dhinaca uu xalka jiro ay u jeedaan oo qofka aan xalka soo wadin ay ayaga yiraahdaan 'u kaadi ama adiga kaligaaga ma lihid waa lagula leeyaha' ayaan ka rejeynaynaa laakiin mushkilad lama uumiyee in aysan nagu soo uumin," ayuu hoosta ka xariiqay.

Dhawaqa Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo aadaya xilli Wakiilada Beesha Caalamka ay dhowr jeer iska indhatireen baaqyo ka yimid Musharaxiinta oo dhamaantooda xoojinaya kaalin ay ku yeeshaan dedaalada iyo wadahadalka mar-xalada kala guurka waddanka uu haatan ku jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Golaha Xukuummadda ee SSC-Khaatumo

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa isbedelkan sameeyay.

  • Soomaliya

    13-05-2024

  • 07:55AM

Xasan Sheekh oo shaaciyay in Soomaaliya ay dhowaan lasoo baxeyso Gaas

Madaxweynaha ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay munaasabad ka dhacdey magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    13-05-2024

  • 05:26AM