Xasan Sheekh oo furay shir xilli la galay hotel u dhow Villa Somalia

Image
Weerarkan ayaa lagu waramay in uu sababay in "xaalad ammaan" ay gasho Madaxtooyadda Qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isniinta maanta ah wuxuu daahfuray shirwayne maalgashi xilli Al-Shabaab ay weerartey hotel dhowr talaabo u jira Madaxtooyada Qaranka oo ah xafiiskiisa.

Villa Rays Hotel oo ay inta badan tagaan mas'uuliyiinta dowladda ayaa fiidkii xalay waxaa dabley Al-Shabaab ay ku galeen weerar ku bilowday is-miidaamin ayna xigtey iska-hor-imaad ay la galeen ciidanka.

Su'aallo iyo tuhun xooggan ayaa ka dhashay qaabka maleyshiyaadka Al-Shabaab ay ku tageen goobta maadaama ay kasoo horeeyaan kontaroolo badan oo ammaankooda si weyn loo ilaaliyo.

Illo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay Garowe Online in madaxda laamaha ammaanka ay "ku jahwareereen" sidda dableyda ku gaareen Hotel-kan sidda weyn loo ilaaliyo.

"Weerarkan wuxuu sababay in xaalad amni ay gasho Madaxtooyadda Qaranka maadaama hotel-ka la galay uu dhowr talaabo u jiro waxaana heegan la geliyey dhamaan ilaalada Villa Soomaaliya," ayay raaciyeen.

Isaga oo la hadlaayay shirka, Xasan Sheekh oo aan soo hadal-qaadin weerarkan ayaa sheegay "in argagixisada aysan niyad-jabin doonin shacabka Soomaaliyeed" dowladiisuna ka go'an tahay ciribtirkooda.

"In kastoo aan halkan u imid si aan u dhiirri-geliyo maalgashiga dalkayga, haddana waa garowsanahay caqabadaha nagu xeeran oo ay ugu horreyso argagixisada, abaaraha, hannaanka dhaqaalaha oo dib u habayn u baahan iyo shaqo la’aanta dhallinyarada, haddana dhammaan arrimahaas waxaa barbar socda dadaallo aan ku xallinayno iyo fursado ballaaran oo ka jira dalka." ayuu raaciyey.

Ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed ayuu ku bogaadiyey sida ay hantidooda ugu soo celiyeen Soomaaliya, door muuqdana uga qaadanayaan horumarka iyo soo celinta maalgashiga waddanka.

Amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab ayaa ah galka ugu muhiimsan waqti-xaadirkan gudaha Soomaaliya. Qabashada shirarka noocaan ah ayay dadku aaminsan yihiin in ay ka mudneyn la xisaabtanka kuwa dayacay mas'uuliyadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Elon Musk oo ku baaqey in la Xiro Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Baalle

Abukar Dahir Osman ayaa la wareegay madaxtinimada wareegta ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 1-da Janaayo 2026.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 06:54PM

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM