Xasan Sheekh oo hal shuruud ku xiray wadahadalka Al-Shabaab

Image
Tan iyo markii mar kale dib loo doortey 15-kii May, 2022, maamulka Xasan Sheekh ayaa dardargeliyey ciribtirka xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida .

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyey telefishinka Al Jazeera qeybtiisa Carabiga ayaa ka hadlay arrmo ay kamid tahay la dagaalanka Al-Shabaab iyo qadiyadda Falastiin.

Tan iyo markii mar kale dib loo doortey 15-kii May, 2022, maamulka Xasan Sheekh ayaa dardargeliyey ciribtirka xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida wallow bilooyinkii lasoo dhaafay uu hakad ku jiray.

Dowladda federaalka ayaa gaabiskaas waxay ku sababeysay abaabulka wajiga labaad ee howlgaladda ciidan oo ay tibaaxdey in ay ka bilaaban doonan maamul goboleedyadda Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Xasan Sheekh ayaa meesha ka saarey in mustaqbalka dhow uu imaan karo wadahadalo dhexmara dowladda federaalka iyo Al-Shabaab "kahor inta heshiis laga gaarayo shuruudaha ay miiska la imaanayaan".

"Al-Shabaab waa dhalinyaro Soomaaliyeed. Malahan dal aan Soomaaliya ahayn," ayuu carabka ku adkeeyay, isaga oo muujiyey in uu diyaar u yahay in uu soo dhaweeyo "in ay si nabad ah qeyb uga noqdaan dadkooda".

Geedi-socodka la marsiiyo xubnaha kasoo baxa maleyshiyada Al-Shabaab waxaa kamid ah in lagu sameeyo dhaqan-celin wallow xaruntii shaqadaas qabaneysay ay haatan wajahayso dhaqaale la'aan aad u baahsan.

Dagaalka maamulka Xasan Sheekh Maxamuud ku ekeeyay kooxda hubeysan waa mid saddex geesood ah waxaana ugu horeeya furinta dagaalka, dhaqaalaha iyo olole lagu ciribtirayo fikirka dagaalameyaasha.

Dhanka kale, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay "si hagar la'aan ah" u garab-taagan tahay qadiyadda Falastiin "si lamid ah dowladaha kale ee Carabta kuwaasoo fagaareyaasha aduunyada ka difaaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM