Xasan Sheekh Maxamuud oo hilmaamay galbeedka HirShabelle

Image
Madaxweynaha ayaa qadiyadan kusoo qaadin muuqaalka laga soo duubay ee Villa Soomaaliya faafisay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hadaljeedintii shalay uu sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh ayuu ku sheegay in Al-Shabaab laga xoreeyay guud ahaan HirShabeelle, meesha kaliya ee ay ku hareene ay tahay degmada Ruun Nigrood, hase yeeshee waxa uu hilmaamay in kooxda ay haystaan guud ahaan galbeedka gobolka Hiiraan.

Galbeedka Hiiraan oo ay degto hal bulsho ayaa waxaa guud ahaan deegaanadooda ay ka taliso xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida, dhulkaasi oo gaaraya boqolaal kiilo mitir oo isku wareeg ah.

Lama garanayo sababta hogaamiyaha Soomaaliya uu isaga indha-tiray degaanadaas. Dadka qaar ayaa is-waydiinaya haddii ay ahayd ku talogal ama in ay ilowshiyo ka ahayd.

Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow oo kamid ah mudaneyaasha kasoo jeeda bulshadda degta galbeedka gobolka Hiiraan ayaa kasoo muuqdey warbaahinta kadib hadal-jeedinta Xasan Sheekh.

Jeesow oo ka tirsan sharci-dejiyeyaasha Golaha Shacabka ayaa su'aal geliyey xoreynta la sheegay in lagu sameeyay degaanada HirShabelle wuxuuna cod dheer ku dalbadey in la balaariyo howlgalada.

"Xureynta bariga Hirshabeelle waxba kama jiraan hadii aan la xureyn galbeedka," ayuu yiri Jeesow oo isaga oo xiran tuutaha ciidamadda kasoo muuqdey telefishinada maxaliga ah.

Al-Shabaab ayaa rumeysan in ay "saaxiibtinimo dhow" ay kala dhaxeyso bulshadda dagta galbeedka gobolka Hiiraan. Hase ahaatee, siyaasiyiinta waxay sheegaan in ay "afduub ku haystaan shacabka".

Bulshadda degta galbeedka gobolka Hiiraan ayaan si muuqata uga qeyb-qaadan howlgaladda gobolka Hiiraan oo ay si wadajir ah u fulinayeen dadka degaanka iyo ciidamadda dowladda federaalka.

Wallow ay socdaan dadaalo saf-ballaaran leh, madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayay waydiisteen in ay waqti badan ku bixiyaan sidii loosoo badbaadin lahaa dadkaas.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa dowladiisu waxay qaadey howlgalo saddex jiho ah - milari ahaan, dhaqaale ahaan iyo fikir ahaan. Wasaaradda warfaafinta waxay warisay in ixdii bilood lasoo dhaafay la dilay 600 Al-Shabaab ah lana xoreeyay in ka badan 60 degaano. Hase ahaatee, si madax-banaan looma xaqiijin karo sheegashaddan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM