Xasan Sheekh oo ka digay "xukun jaceyl" xilli xiisado ku darsi jiraan

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu rajeeyay in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab sanadkan 2023.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka goos-qabsadey "xukun jaceylka" xilli qaar kamid ah maamul goboleedyadda ay ka jiraan xiisado la xiriira muddo kororsi.

Xasan Sheekh oo muuqaal laga duubay ay faafisay Villa Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigay in dowladdiisu aysan marna ogolaan doonin in siyaasadda noqoto wax lagu kala aargoosto.

Dib-u-heshiisiin bulsho iyo mid siyaasadeed ayuu hoosta ka xariiqay in maamulkiisa uu ka hirgelin doono guud ahaan dalka si loo dhameystiro dastuurka qabyadda ah ee Soomaaliya.

"Waxaan ka shaqeyn doonaa in dadka Soomaaliyeed ay talo ku yeeshaan cidda hogaaminaysa," ayuu carabka ku adkeeyay, isaga oo sii raaciyey "Ma aqbali karno in laba muwaadin ay kala xuquuq noqdaan".

Afar casho kadib, caasimadda ku meelgaarka Koonfur Galbeed ayaa lagu waddaa in ay martigeliso shir dib-u-heshiisiin oo u dhaxeeya hogaanka siyaasada maamulkaas. Xasan Sheekh ayaa laga yaabaa in uu furo.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay in maamulkiisa uu sanadkan 2023-ka ka shaqeyn doono sidii dalka loogu adeegi lahaa iyo in ammaanka la adkeeyo si lamid ah Al-Shabaab laga adkaado.

Mar uu soo hadal-qaadey natiijada shirkii wadatashiga qaranka ayuu ku nuux-nuux-sadey in Puntland ay codsatey "wadatashi dheeraad ah" in ay kasoo sameyso qodobada ajandaha u ahaa wadaxaajoodkaas.

Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa diidey in uu saxiixo heshiis siyaasadeed oo ku saabsanaa kala xadeynta awoodaha dowladda federaalka iyo daadejinta nidaamka garsoorka waddanka.

Ugu dambeyn, madaxwayne Xasan Sheekh oo dib loo doortey 25-kii May ee sanadkii hore 2022-kii ayaa cod dheer waxa uu ku waydiistay shacabka in ay ku taageeraan "sidii uu u hagaajin lahaa talada Soomaaliya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM