Xasan Sheekh oo ka hadlay eedeynta loo jeediyay Sanbaloolshe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu ka fal-celiyay hadal kasoo yeeray Taliyihii hore ee NISA, Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Sanbaloolshe oo wareysi siiyey mid kamid ah Telefishinada maxaliga ah ayaa soo jeediyay in Soomaaliya ay baaqi kusii ahaato nidaamka wax qeybsiga beelaha inta ay jiraan afar arrimood.

Afarta arrimood ee uu soo qaadey ayaa kala ah; "inta ay jirto AlShabaab, inta ay maqan tahay Somaliland, inta ay AMISOM dalka joogto iyo inta qof qurbaha ka yimid uu mulkiile leeyahay".

Dadyow ay siyaasiyiin ku jiraan oo ka dareen celiyay oraahdaasi ayaa dhaleeceeyay Sanbaloolshe oo xubin ka ah xisbiga UPD ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Kadib dhaliilahaasi, Xasan oo qoraal soo dhigay barahiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa wuxuu tilmaamay in fekerkaasi uu yahay mid ku kooban Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Qoraalka hoos ka akhriso

Siyaasadda Soomaaliya ee xilliyadaan dambe waxay ahayd mid gabi dhacleyneyso oo aan jihaysneyn, sidaas daraadeed ayaa mararka qaar lala kulmaa aragtiyo kala duwan ama ka durugsan mabadi’dii siyaasadeed ee asaasiga inoo ahayd, taas oo ku qeexan dastuurka Kmg ah, oo siinaya muwaadiniinta Soomaaliyeed xuquuq siyaasadeed oo siman.

Baryahaan waxaa baraha bulshada yiillay ra’yi uu ka hadlay mudane Cabdullaahi Maxamad Cali (Sanbaloolshe).

Mudane Sanbaloolshe waa mas’uul ka tirsan Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD), hase yeeshe arrinka uu ka hadlay ee la xiriira siyaasadda qabaliga ah, ka mid ma aha mabaadi’da Xisbiga UPD ee ku cad xeerka iyo barnaamijka Xisbiga ee waa ra’yiga gaarka ah ee mudanaha.

Ummadda Soomaaliyeedna sidaas ha ula socoto arrinkaas.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM