Xasan Sheekh oo Kampala u tagay shir ku saabsan masiirka ATMIS

Image
Ajandaha waxaa kamid ah sidii ciidamada Soomaaliya ula wareegi lahaayeen amniga dalka.

KAMPALA, Uganda - Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Arbacada maanta ah waxa uu gaaray magaalada Kampala ee caasimadda waddanka Uganda.

Xasan Sheekh ayaa la filayaa in uu dalkaas kaga qeyb-galo shir-madaxeedka dalalka Ciidamadooda ka qeyb-qaadanayaan xasilinta iyo nabadda dalkeenna (ATMIS).

"Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shirka ku soo bandhigaysa sida ay uga go'an tahay in ay la wareegto amniga dalka dhammaadka sannadka soo socda," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Madaxda ayaa ka arrinsanaya hannaanka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay si buuxda ugula wareegi lahaayeen amniga dalka dhammaadka sannadkan iyo qorshaha Ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay kaga qeyb qaadanayaan howlgallada dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab".

"Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya guulaha isdabajoogga ah ee geesiyaasha Soomaaliyeed ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada ayaa xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo milatari ee wajiga labaad ee howlgalka lagaga cirib-tirayo khawaarijta Alshabaab dalka iyo guud ahaan gobolka," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Kulankan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen warar ku saabsan in maamulka Xasan Sheekh uu muddo kordhin laba sano ah u raadinayo howlgalka ATMIS.

Inkasta oo Villa Soomaaliya ay beenisay warkaas, haddana natiijadda shirkan ayaa go'aamin doonta masiirka taliska ATMIS iyo haddii ay baaqi kusii ahaan doonan gudaha dalka kadib 31-da December, 2024.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM