Xasan Sheekh oo la filayo in uu tago magaalada Xarardheere

Image
Qabanqaabadda ayaa durba la dareemayaa. Balse, lama ogga waqtiga saxda ah ee uu baxayo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu dhowaan booqdo degmada Xarardheere oo todobaadkii hore laga saarey Al-Shabaab, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo wargal ah.

Socdaalka Xasan Sheekh Maxamuud ee magaaladan ayaa qorshihiisu bilowday iyadda oo ciidamo dheeraad ah loo daabulayo si looga hortago falal amni darro. Balse, lama ogga waqtiga saxda ah ee uu baxayo.

"Madaxweynaha ayay xoreynta Xarardheere u tahay guul shaqsiyadeed oo aad uga duwan guulihii kale ee laga gaaray dagaalka Al-Shabaab," ayay sheegeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Isbadalo dhanka hogaanka ciidanka

Xarardheere oo ah degmo ku taala xeebta ayaa ah meesha uu degaan ahaan kasoo jeedo madaxweynaha. Dadka qaar ayaa rumeysan in la wareegida magaaladan ay keeni karto isbadalo lagu sameeyo hogaanka ciidanka.

Madaxweyne Xasan ayaa horey u tagay deegaano kale oo laga qabsaday Al-Shabaab. Dadka degaanka iyo mas'uuliyiinta ayuu si hoose ula hadlay isaga oo ku booriyey in ay ka shaqeeyaan xasilinta degaanada.

Xarardheere oo ka tirsan maamul goboleedka Galmudug ayaa soo martey saddex mar-xaladood kuwaasoo sawir guud ka bixinaya sidda ay ahmiyad gaar ah ugu leedahay howlgalada ammaan.

Geed-fadhiga shufta-badeeda

Sannadkii 2011-kii, Xarardheere ayaa waxay ahayd dekedda ugu weyn ee ay ka howlgalaan isla markaana ay gacanta ku haayaan kooxaha burcad-badeedda ee haatan kasii dabar-go'aya Soomaaliya.

Dadka la socda arrimaha shufta-badeeda ayaa sheegaya in ay ahayd geed-fadhiga ay kusoo xiraan maraakiibta ay kasoo qafaashaan badaha isla markaana ay halkaas uga qaadan jireen madax-furasho.

Isha dhaqaale ee Al-Shabaab

Markii ay la wareegeen xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida, isha dhaqaale ugu weyn ayay noqotay. Lacago ayay ka qaadan jireen badeecadaha kasoo daga iyo waliba kuwa laga dhoofiyo.

Intaas waxaa wehlisa, marsadda ayaa ahayd meel ay kasoo degsadaan hubka ay sida qarsoodiga ah uga soo iibsadaan dalalka deriska ah gaar ahaan Yemen ayna uga soo dagaan ajaaniibta Carbeed.

Nolol cusub iyo caqabad horleh

Kadib howlgal la qorsheynayay muddo afar todobaad ah, Xarardheere ayaa dib ugu soo laabatay gacanta dowladda. Waa bilowga nolol cusub balse ay ku wareegsan yihiin caqabado waaweyn.

Tan ugu daran uguna horeyso, waa muhiimada ay leedahay in la nadiifiyo degaanada ku teedsan. Intaas waxaa wehlisa, in loo dhameystiro adeegyadda dowliga taasoo haddii aysan dhicin, guusha dib u cuni doonta.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka dhigay in wajiga labaad ee "howlgalka xoreynta dalka" uu ka bilaaban doono Koonfur Galbeed iyo in Al-Shabaab "laga ciribtiri doono Soomaaliya sanadkan 2023-ka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM