Xasan Sheekh oo la gaarsiiyey fariin ka timid dhigiisa Imaaraadka

Image
Image
Image
Image
Image
Dhambaalkan waxaa siday Axmed Jumca Al-rumeysi oo ah safiirka cusub ee Abu Dhabi u soo dirtey Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka Cusub ee Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Axmed Jumca Al-rumeysi.

Danjire Axmed Jumca ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiyey salaan iyo dhambaal uu ka siday Madaxweynaha dowladda Imaaraadka Maxamed Binu Saayid Aala-nahyaan.

Sidda ku xusan qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya, fariintaas ayaa "muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada shacab".

Sidoo kale, Danjiraha ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi, xilka safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM