Xasan Sheekh oo laga dalbaday inuu is-casilo fashil hogaamineed dartiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaano dhowr ah oo kamid ah Gollaha Shacabka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqey inuu is-casilo, iyagoo ku eedeeyay inuu ku fashilmay hogaaminta dalka Soomaaliya, oo mudadii xafiiska uu joogay ay abuurmeen mushkilado cusub, iyadoo kuwii hore wax laga qaban.

Yuusuf Gamadiid iyo Maalik Cabdalla ayaa kamid ah Xildhibaanada eedeymaha culus u jeediyay Xasan Sheekh, iyagoo xusay in awoodii hay'adaha dalka oo dhan lagu aruuriyay xafiiska Madaxweynaha, kadib markii howlgab laga dhigay Baarlamaanka iyo Xukuumadda Hamza.

“Mudane Madaxweyne, waxaad ku fashilantay Hoggaaminta dalka, waxaan kuu soo jeedinaynaa inaad noqoto Madaxweynihii ugu horeeyay ee Afrikaan ah oo ku fashilmay Hoggaaminta oo xilka iska casilo, maxaa yeelay dalka god buu galay," ayuu yiri Yuusuf.

Waxay sheegeen in Xasan Sheekh oo ku dhawaad 5 sano mucaarad ahaa xiligii Farmaajo laga filayay inuu marka uu soo laabtay dalka ku hogaamiyo wadada saxda ah, uu u leexiyay jid qaldan, oo qabyaalad iyo kaligii-talisnimo ah.

“Xasan Sheekh iyo kooxdiisa waxay u hanjabeen dowladda Farmaajo, dalka dib ayuu ugu laabanayaa 1991-kii, maanta waxaan leeyahay hambalyo, ballankiina waad fuliseen, dalkiina 1991-kii ayaad dib u celiseen, Kismaayo ilaa Somaliland hadda dagaal beeleedyo baa dib ugu celiyeen, waxaana la galay xilligii mugdiga ahaa ee 1991-kii,” ayuu yiri Xildhibaan C/maalik Cabdalla.

Labada Xildhibaan waxay walaac ka muujiyeen dagaal beeleedyada ka socda dhowr meelood oo dalka katirsan, hubka kasoo galay xadka Itoobiya, ee shacabka gacantooda galay iyo dagaalkii AS oo la joojiyay.

Xasan Sheekh oo mudo-xileedkiisa kala bar qaatay, islamarkaana waxa u haray 2 sano aan dhamayn ayaa looga fashiyaa inuu fuliyo baladqaadkii doorashadda kusoo galay ee ahaa in doorasho qof iyo cod ah dalka ka qabta, inuu AS ka adkaado iyo Soomaaliya oo heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM