Xasan Sheekh oo Olole siyaasadeed u tagey Kismaayo

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas'uuliyiin kale ayaa maanta oo Isniin ah gaarey magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Xubno katirsan labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku wehliya Xasan Sheekh safarkiisa Kismaayo, kaaso oo ku qotoma arrimo la xiriira xisbiga dhawaan Muqdisho ee "Midowga Nabada iyo Horumarka" oo isaga gudoomiyaha u yahay.

Waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay wafdiga Xasan Sheekh Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe iyo madax kale, iyadoo kadibna loo galbiyay aqalka Madaxtooyadda, oo wadahadallo ku leeyihiin.

Xasan Sheekh oo soo noqday Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya ayaa olole siyaasadeed kawada dalka qeybo kamid ah, isagoo doonaya inuu ku caan-bixiyo Xisbigiisa islamarkaana gaarsiiyo calankiisa gobollada qaar ee dalka.

Midowga Nabadda iyo Horumarka waxaa ku mideysan inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ku ah maamulka Farmaajo, kuwaasoo qarkooda ah mas'uuliyiin xilal culus kasoo qabtey dowladdii hore ee uu Xasan Sheekh hogaaminayay, taasoo shaqeysay 2012-2016.

Booqashada Xasan Sheekh ee Kismaayo ayaa kusoo beegmaysa xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, islamarkaana ay socdaan dedaallo ay waadaan Aqalka Sare iyo Beesha caalamka oo khilaafka lagu xalinayo.

Xasan Sheekh iyo Xisbigiisa ayaa doonaya in ay dib u hantaan talada dalka, iyagoo u maraya nidaamka xisbiyadda badan oo doorashada 2020 ku gali doonaan, inkastoo aan muuqan xilligan in Soomaaliya doorasho noocaas ah ka dhici karto sanad kadib.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM