Xasan Sheekh oo shaaciyay in Soomaaliya ay dhowaan lasoo baxeyso Gaas

Image
Madaxweynaha ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay munaasabad ka dhacdey magaalada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Xarunta Kaydka Gaaska cuntada Soomaaliya ee Benaadir, taasi oo ka qayb qaadanaysa qorshaha looga hortagayo xaalufinta dhirta iyo nabaad-guurka deegaanka.

Madaxweynaha oo ku ammaanay mas’uuliyiinta Shirkadda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed sida ay dowladda uga gacan siinayeen qorshaha ilaalinta deegaanka iyo dib u dhiska dalka ayaa ka dalbaday in la raqiisiyo qiimaha Gaaska si qoys walba u awoodo iibsashadiisa.

"Waxaan ku dhiiri galinayaa ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashadaan kaabayaasha dhaqaalaha dalka, waxaana rajeynayaa in dhowaan Gaaska dalka dibadaiisa nooga yimaada uu dalkeenna nooga soo baxo," ayuu tibaaxay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyey Ganacsatada Soomaaliyeed in ay awooddooda dhaqaale uga faa’iideyaan shacabka isla markaana ay maalgashadaan kaabayaasha dhaqaalaha dalka,  gaar ahaan gobolada dalka si fursadaha horumarku uu u wada gaaro guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM