Xasan Sheekh: Dagaalka Al-Shabaab wuu nawada saameeyay

Image
Madaxweynaha federaalka ayaa hadalkan ka sheegay shir ay isugu yimaadeen culimada Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya — Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho uga qeybgalay shir ay isugu yimaadaan culimo ka kala timid gudaha dalka iyo dibadda kaasoo socon doona muddo afar maalmood.

Kulankan ayaa qeyb ka ah ololaha dowlada ee dagaalka dhinaca fekerka ee Al—Shabaab. "La dagaallanka fikirka gurracan ee xagjirnimada waxa uu ka mid yahay saddexda qorshe ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu u jeexay hiigsiga xoreynta dalka," ayuu yiri xafiiskiisa.

Madaxweynaha ayaa dib u xusay culimadii Soomaaliyeed ee lagu dilay magaalada Muqdisho, maanta oo kale sanadkii 1975-tii, waxa uuna sheegay in dowladnimada Soomaaliyeed ee maanta ay aas-aas u tahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka.

Culimadii la laayey 1975-tii

"Maanta oo kale 1975-kii waxaa 10-kii culimo loo laayey in ay ka hor yimaadeen sharcigii baalmarsanaa Diinteenna Suubban. Culimada Maanta joogta way ka badan yihiin 10-ka maalintaasi diiday xeerkaas waana in ay cod mideysan ku sheegaan in uusan Diin ahayn fikirka gurracan ee Khawaarijta," ayuu tibaaxay.

Mar uu soo hadal-qaadey weerarka gobolka Banaadir ayuu sheegay in uu ka seexan waayay dilka agaasimihii waaxda dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo kamid noqdey dadka ku nafwaayay falkaas.

"Qofkii rajo ka qaba Al-shabaab in ay u naxariisanayaan haku tusaale qaato wadaadkii Indhoolaha ahaa ee isaga oo meel uu u baxsado la’ ay ku dileen Xarunta Gobolka Benaadir. Dagaalka Khawaarijta, muddo dheer ayuu soo socday, waxa uuna soo gaaray maanta oo dhibaatadoodu ina wada gaartay. Waxaan rabnaa in xal loo helo dabar-goynta fikirkaas, xalkiina shirkaan ayaa laga sugayaa," ayuu tibaaxay.

Shiicadda iyo Masiixiyadda

Dowladda ayuu ku nuux-nuux-saday in ay mudnaan siineyso diyaarinta sharcigii lagu dhisi lahaa Hay’adda Culimada Soomaaliyeed "taas oo ka mid noqoneysa hay’adaha ugu muhiimsan Dawladda, una xilsaaran ilaalinta diinta Islaamka iyaga oo wakiil uga ah Dawladda".

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa shaaciyey in muddo xileedkiisa koowaad 2012-2017 uu maamulkiisa ka hortagay Shiiceyn dalka laga waday ayna hay'adda culimada tahay "weelkii lagu xakameyn lahaa qadiyadaha noocaas ah".

"Dalkan dadka waa kala tageen waa la kala cararay wax badan waa noo imaan doona. Mid Shiicanimo sheeganaayo oo Soomaali ah waa noo imaan doona," ayuu ka dhawaajiyey.

Waajibka culimadda saaran

Wuxuu raaciyey: Mid kirishtaan ah oo mactabkii wato oo Soomaali ah waa noo imaan doonaa. Laakiin waa in ugu yaraan ay [dhacdaan] anaga oo haysano ama nidaam weel aan ku dhex-hayno," ayuu caddeeyay.

Sheekh Cabdulqaadir Soomoow oo kamid ah culimada goobta ka hadashay ayaa ku daray: "Waxa aan maanta isugu imaanay waa inaan gudano waajib diini ah oo ah difaaca diinteenna suubban ee ay kusoo duuleen khawaarijta ka beensheegeysa. Sidoo kale Waa in aan ogaanaa in ciidamada Qaranka ee Jihaadka ku shahiiday waa dhinteen aan la dhihi karin ee waa Shuhado".

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo dhankiisa ka hadlay goobta ayaa tibaaxay: "Culimada Soomaaliyeed waxaa waajib ka saaran yahay in ay Ummadda u caddeeyaan Baadinimada Khawaarijta dowladdana ay xaqa ku garab siiyaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM