Xasan Sheekh oo sharaxaad ka bixiyey socdaalkii uu ku tagay Eritrea

Image
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa aad u xakameysay xogta madaxweynaha ee safarkaas.

ASMARA, Eritrea - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyey wakaaladda wararka Erina ayaa sharaxaad waxa uu ka bixiyey socdaalkii ugu dambeeyay oo uu ku tagay waddanka Eritrea.

Safarkaas oo qaatay muddo laba maalmood ah ayaa waxa uu yimid kadib markii madaxweynaha Soomaaliya uu kasoo laabtey booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Carbeed ee Qadar.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa aad u xakameysay xogta Xasan Sheekh ee safarkaas. Villa Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa aysan baahin sawirada iyo muuqaalada madaxweynaha ee socdaalkaas.

Balse, Xasan Sheekh ayaa caddeeyay in wadahalada uu la yeeshay dhigiisa Isaias Afwerki ay diiradda ku saareen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo sidii dhabaha loogu jeexi lahaa xiriir laba geesood ah.

Sidda ay Erina kasoo xigatay madaxwayne Xasan Sheekh, labada hogaamiye ayaa isla soo qaadey dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira iyo in meesha laga saaro "faragelinta xoogaga shisheeyaha".

"Intii uu kulankooda socdey, labada madaxwayne ayaa isku-raacay in xalka dhibaatada Soomaaliya ay raadiyaan dadka Soomaaliyeed iyadda oo aysan ku jirin faragelinta xoogaga ajnabiga," ayay kusii dartey.

Eritrea ayaa u tababartey Soomaaliya in ka badan 5,000 ciidamo ah kuwaasoo qaar badan oo kamid ah dalka lagu soo celiyey isla markaana la qorsheynayo in tiro kale loo qaadi doono bilooyinka soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM