Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya aysan doonayn dagaal ay la gesho Itoobiya

Image
Madaxweynaha ayaa wareysiga ku sheegay in Somaliland ay tahay gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Dooxa (GO) - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay Al-Carabiya in Soomaaliya aysan dooneyn in ay la dagaallamaan Itoobiya, balse haddii ay wax iska beddelaan uu dalkiisa ka jawaabi doono .

Madaxweynaha ayaa yiri: “Heshiiska is-afgaradka ah ee ay wada saxeexdeen maamulka Somaliland iyo Itoobiya ee ku saabsan in Itoobiya ay hesho deked badeed waa sharci darro, maadaama aanay jirin cid xaq u leh in ay dhul xoog ku qabsato.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Somaliland ay tahay gobollada Waqooyi ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. wuxuuna intaas raaciyay: “Haddii ay Itoobiya joojin waydo tallaabooyinka ay qaadayso, waxaan u baahan doonnaa taageero ka imaanaysa dhinac walba, gaar ahaan Masar.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in Itoobiya aysan doonayn dekad ganacsi, balse ay doonayso in ay qabsato dhul Soomaaliyeed, taasina aysan dhici doonin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM