Xasan Sheekh oo si kulul u eedeeyay maamulkii Farmaajo

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay xilli uu ka hadlayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha haatan xilka haya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhigiisa xilka uga horeeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ku eedeeyay in uusan "daacad ka noqon" ciribtirka ururka Al-Shabaab.

Xasan Sheekh oo wareysi gaar ah siiyey majaladda The Economist ayaa carabka ku adkeeyay in shantii sano lasoo dhaafay aan lala dagaalamin xoogaga gacansaarka la leh shabakda argagixisada ah ee Al-Qaacida.

"Ma jirin mas'uul Soomaaliyeed ama dowlad Soomaaliyeed oo hogaamineysay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Sababta ugu weyn waxay noqon kartaa khibrad la'aan, ka go'naansho la'aan iyo arrimo kale," ayuu yiri.

Sida laga soo xigtey Xasan Sheekh, dowladiisa cusub ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay isku-dabariday qorsheyaal abaabulan kuwaasoo lagula dagaalamayo maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Hase ahaatee, dadka dhaliilsan ayaa aaminsan in dowladda ay ku biirtey kacdoon shacab oo jiray kahor inta aysan xafiiska imaan hogaanka cusub balse waayay kaalinta dowladda mudadii uu xafiiska joogay Farmaajo.

Marka laga soo tago dagaalka milatariga, maamulka cusub wuxuu ku kordhiyey gulufka laba furin horleh kuwaasoo kala ah; dagaal dhanka dhaqaalaha ah iyo ololaha dhanka fikirka ah.

Ololaha la dagaalanka fikirka Al-Shabaab waxaa hormuud looga dhigay Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, mid kamid ah aas-aasayaashii Al-Shabaab. Xukuumadda cusub wuxuu ka noqdey Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Abuu Mansuur ayaa ku dhowaad saddexdii sano lasoo dhaafay wuxuu xabsi guri ugu jiray dowladda federaalka oo xirtey ka gadaal markii uu damcay in uu isku-soo-taago hogaaminta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Soo deyntiisa iyo ku biiridiisa xukuumadda ayaa sababay aragti kala duwan oo bulshadda ay ka muujisay. Qaar ayaa aaminsan in aysan haboonayn, halka kuwa kale ay sheegeen in ay sii dhiiragelineyso horjoogeyaasha kale ee kooxda.

Soomaaliya afartii sano, kooxda la wareegta hogaanka waxay ku eedeysaa darafka kale ee xukunka uga horeeyay wax kasta oo fashil ah. Tani waxay meesha ka saartey dhismaha hay'adaha dowliga ah si gaar ah kuwa nabad-gelyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM