​Xasan Sheekh oo u hambalyeeyay Jawaari

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee dalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Barlamanka dalka ee maanta la doortay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ugu hambalyeeyay xilka markale afarta sano ee soo socoto loo doortay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay doorashada Barlamanka ee maanta ka dhacday xarunta Golaha Shacabka, isagoo bogaadiyay guddiga doorashada sida habsamida leh ee ay u wadeen hanaanka doorashada.

“Waxaan Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ugu hambalyaynayaa in uu noqdo markale Guddoomiyaha baarlamaanka ee afarta sano ee soo socota, waxaan kaloo amaan u jeedinayaa musharixiinta kale ee tartanka la galay Guddoomiyaha,” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sidoo kale ciidamada amniga ku bogaadiyay xaqiijinta amniga caasimadda, maadaama lagu guda jiro dhameystirka hanaanka doorashada dadban ee dalka, isagoo shacabka ka codsaday inay muujiyaan dulqaad.

Dhinaca kale Madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa hambalyo u diray Guddoomiye Jawaari.

Bari, ayaa sidoo kale lagu wadaa in Muqdishu ka dhacdo doorashada Guddoomiye ku-xigeenka oo ay ku loolamayaan murashaxiin kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM