​Xasan Sheekh oo u hambalyeeyay Jawaari

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee dalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Barlamanka dalka ee maanta la doortay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ugu hambalyeeyay xilka markale afarta sano ee soo socoto loo doortay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay doorashada Barlamanka ee maanta ka dhacday xarunta Golaha Shacabka, isagoo bogaadiyay guddiga doorashada sida habsamida leh ee ay u wadeen hanaanka doorashada.

“Waxaan Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ugu hambalyaynayaa in uu noqdo markale Guddoomiyaha baarlamaanka ee afarta sano ee soo socota, waxaan kaloo amaan u jeedinayaa musharixiinta kale ee tartanka la galay Guddoomiyaha,” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sidoo kale ciidamada amniga ku bogaadiyay xaqiijinta amniga caasimadda, maadaama lagu guda jiro dhameystirka hanaanka doorashada dadban ee dalka, isagoo shacabka ka codsaday inay muujiyaan dulqaad.

Dhinaca kale Madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa hambalyo u diray Guddoomiye Jawaari.

Bari, ayaa sidoo kale lagu wadaa in Muqdishu ka dhacdo doorashada Guddoomiye ku-xigeenka oo ay ku loolamayaan murashaxiin kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM