Xasan Sheekh oo xilka u kala wareejiyay Mahad Salaad iyo Sanbaloolshe

Image
Munaasabadan ayaa waxa ay ka dhacdey xarunta Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Agaasimaha Hay'adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee dhawaan la magacaabay Cabdullaahi Maxamed Cali (Shanbaloolshe) iyo Agaasimihii Hore, Mahad Maxamed Salaad.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Taliyihii Hore ee Hay'adda Mahad Salaad dadaalka uu ku bixiyey horumarinta shaqada Hay'adda, isagoo u rajeeyey Taliyaha cusub in uu ka soo dhalaalo waajibaadka adag ee horyaalla.

“Qaranka Soomaaliyeed ayaad u shaqeysaan ee uma shaqeysaan Agaasime tagay iyo mid yimid, waa in aad kalsooni galisaan shacabka oo aad soo dhoweysataan. Shaqada noo taala waa dagaalka Khawaarijta oo ay tahay in aan dhammaanteen wadajir ugu istaagno”.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay muhiimadda Hay'adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranku ay u leedahay qorshaha xoreynta dalka, waxa uuna sheegay in ay horseed u ahayd deegaannada laga xoreeyey gacanta argagixisada.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismayaasha qaybta Sirdoonka iyo Akadeemiyadda Jilicoow ee Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo qaab casri ah loo dhisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM