Villa Soomaaliya oo Yurub u gudbisey qorshe barbar socda howlgalada

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmay danjireyaasha Midowga Yurub ee Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Muqdisho kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tina Intelman iyo qaar ka mid ah Danjireyaasha dalalka Midowga Yurub u jooga dalkeenna.

Xasan Sheekh ayaa uga warbixiyey "guulaha laga gaaray dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijtaa Alshabaab, dhammeystirka Dastuurka, Dimuquraadiyeynta iyo Dayn cafinta".

Danjireyaasha ayuu la wadaagay sida geesinimada leh ee Ciidamada Qaranka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay u xoreeyeen deeganno badan oo ka tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug.

Halganka dib u xoreynta dalka ayuu tibaaxay "inuu barbar socdo qorshaha dhammeystirka dhismaha hay’adaha muhiimka u ah dowladnimada iyo xaqiijinta himmilooyinka ay muddada dheer ku taamayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qorshaha la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka, dhammeystirka Dastuurka, dayn cafinta, xoojinta Dimuquraadiyeynta, Federaaleynta iyo adkaynta dowladnimada".

Dhankooda, Safiirada ayaa, sidda ay sheegtay Villa Soomaaliya, waxa ay "bogaadiyeen howlgallada xoreynta deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta Al-Shabaab".

Dowladda Federaalka ayay xuseen in ay ka gacan-siinayaan arrimaha hortebinta u leh oo ay ugu horreeyaan la wareegidda amniga guud ee dalka, xoojinta federaaleynta, daadejinta hannaanka dowliga ah, saamaynta Isbaddalka cimmilada iyo Gargaarka Beni-aadannimad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM