Xasan Sheekh: Saraakiil lagu tuhmayo qaraxyo ayaa la baarayaa

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xaqiijiyey "in ciidamadda dowladda ay fududeeyaan weerarada argagixisadda".

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Sabtida maanta ah ka qayb-galay xuska sannad guurada 79-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dadaallada Dowladda ee dib u dhiska laamaha ammaanka iyo horumarinta hannaankooda shaqo isaga oo xusay in Sarkaal walba lagu xisaabtamidoono masuuliyaddiisa.

Xasan Sheekh oo kula dardaarmay Taliska guud, talisyada qeybaha iyo hoggaanada Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed dhowridda xeerarka iyo shuruucda ciidanka ayaa faray in ay udub dhexaad u noqdaan la dagaallanka Maandooriyaha iyo Musuq-maasuqa oo uu tilmaamay in caqabad ku yihiin sugidda amniga dalka.

"Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxaan kula dardaarmayaa in ay ka hortagaan in askartu Maandooriye isticmaasho. Waa cadow hortaagan in askarigu waajibkiisa guto waana in aan la oggolaan in Ciidanka Booliiska uu ka mid noqdo qof Balwad isticmaala," ayuu raaciyey.

Dhanka kale, Saraakiisha Ciidamada ayuu faray in ay si waafaqsan qaanuunka dalka u gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed isaga oo xusay in Sarkaal waliba lagula xisaabtamidoono shaqada loo igmaday.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Xasan Sheekh ayaa carabka ku dhuftey in uu baaritaan ku socdo saraakiil ka tirsan ciidamada kuwaasoo lagu tuhmayo qaraxyo iyo weerar argagixiso oo ka dhacay Muqdisho.

"Waxaa la yiri fuley xantiisa ma mooga. Xantana sideeda meel aan waxba kama jirin lagama sheego. Waar hooy is jira oo ka fogaada ceebta," ayuu yiri. Baaritaanka ayuu xusay in ay qeyb ka yihiin ajaaniib natiijadana la shaacin doono.

Munaasabaddan waxaa ka qayb-galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xilshibaano, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed, saraakiisha iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed. Mudadii ay socotey xafladda, waxaa lasoo bandhigay muuqaalo ku saabsan taariikhda ciidanka booliska iyo shaqooyinka uu qabtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM