Xasan Sheekh: Waan soo celinaynaa wadahadallada Somaliland

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkan u sheegay diblumaasiyiin uu ku qaabilay Madaxtooyadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la kulmay Danjiraha Turkiga Mehmet Yılmaz, Siihayaha Xilka Danjiraha Norway Haakon Svane iyo Wakiilada Gaarka ah ee dalalka Turkiga iyo Norway.

Sida ay sheegtay Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa xubnahan wuxuu la wadaagay sida ay uga go’an tahay dib u soo celinta wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Madaxweynaha ayaa xusay doorka fududeynta iyo isu soo dhaweynta ah ee dowladda Turkigu ay ka soo qaataday wadahadalladii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Dadaalkaas ayuu ku tilmaamay in uu kuwa "bilow fiican u ahaa xal u helidda tabashooyinka jira iyo xaqiijinta xasilloonida iyo horumarka dadka Soomaaliyeed".

Dowladaha Turkiga iyo Norway ayuu uga mahadceliyey sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan dib u soo celinta wada-wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland.

Sida laga soo xigtey Vilal Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaaxusay "qorshihiisa qaran ee la xiriira Soomaali Heshiis ah, taas oo ay qeyb ka tahay xal u helidda tabashada ay qabaan walaalaha Soomaaliland".

Dhankooda, diblumaasiyiinta ayaa "bogaadiyey sida ay uga go’an tahay xal u helidda caqabadaha dib u dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso colaadaha, khilaafaadka siyaasadeed iyo dib u heshiisiin la’aanta bulshada".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM