Xasan Sheekh: Waan soo celinaynaa wadahadallada Somaliland

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkan u sheegay diblumaasiyiin uu ku qaabilay Madaxtooyadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la kulmay Danjiraha Turkiga Mehmet Yılmaz, Siihayaha Xilka Danjiraha Norway Haakon Svane iyo Wakiilada Gaarka ah ee dalalka Turkiga iyo Norway.

Sida ay sheegtay Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa xubnahan wuxuu la wadaagay sida ay uga go’an tahay dib u soo celinta wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Madaxweynaha ayaa xusay doorka fududeynta iyo isu soo dhaweynta ah ee dowladda Turkigu ay ka soo qaataday wadahadalladii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Dadaalkaas ayuu ku tilmaamay in uu kuwa "bilow fiican u ahaa xal u helidda tabashooyinka jira iyo xaqiijinta xasilloonida iyo horumarka dadka Soomaaliyeed".

Dowladaha Turkiga iyo Norway ayuu uga mahadceliyey sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan dib u soo celinta wada-wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland.

Sida laga soo xigtey Vilal Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaaxusay "qorshihiisa qaran ee la xiriira Soomaali Heshiis ah, taas oo ay qeyb ka tahay xal u helidda tabashada ay qabaan walaalaha Soomaaliland".

Dhankooda, diblumaasiyiinta ayaa "bogaadiyey sida ay uga go’an tahay xal u helidda caqabadaha dib u dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso colaadaha, khilaafaadka siyaasadeed iyo dib u heshiisiin la’aanta bulshada".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Elon Musk oo ku baaqey in la Xiro Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Baalle

Abukar Dahir Osman ayaa la wareegay madaxtinimada wareegta ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 1-da Janaayo 2026.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 06:54PM

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM