Xasan Sheekh: Waxaan shaqaaleysiin doonaa 10,000 macallimiin

Image
Hadalkan ayuu ka sheegay daahfurka shirweynaha Qaran ee waxbarashada kaasoo shanta maalmood ee soo aadan socon doona.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isniinta maanta ah waxa uu magaaladda Muqdisho ka furay shirweynaha Qaran ee waxbarashada dalka kaasoo shanta maalmood ee soo aadan ka socon doona magaala madaxda ayna agaasintey wasaaradda tacliinta.

Hadal-jeedintiisa shirka ayuu ku tilmaamay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarasho ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu is-dul-istaagay qorshaha dowladda ee baahinta adeeg waxbarasho oo tayo leh iyo xaqiijinta Manhaj mid ah oo Qaran oo wax lagu baro ubadka soomaaliyeed.

Toban kun oo Macallimiin Soomaaliyeed ah ayuu ku dhawaaqay in la shaqaaleysiinayo "si kor loogu qaado fursadaha waxbarasho ee ay heli karaan muwaadiniinta Soomaaliyeed".

“Qorshaheennu waa in aan kordhinno tirada ardayda xaadirta iskuulada oo ay ku jiraan kuwa ku dhaqan miyiga iyo bulshooyinka nugul," ayuu ku yiri qeyb kamid ah khudbadiisa.

Waxa uu raaciyey: "Sidoo kale, waa in aan dhaqan-galinno manhaj mid ah oo Qaran iyo in aan hubino barid tayo sare leh oo ay hormuud u yihiin xirfadlayaal iyo Macallimiin lagu xulay tartan daahfuran inaga oo shaqaaleysiin doona ugu yaraan 10,000 oo macallimiin ah".

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in fursadaha waxbarasho ee xilligaan ay helaan dhallinyarada Soomaaliyeed ay aad u hooseeyaan taasi oo caqabad ku ah dhisidda mustaqbal wanaagsan iyo xaqiijinta yoolasha horumarineed ee dalka.

Aqoonyahanka, qurbe joogta iyo kaadiriinta waxbarashada dalka ayuu ka codsadey in ay gacan ka gaystaan hirgalinta natiijooyin waxbarasho oo u dan ah jiilka soo koraaya si loo xaqiijiyo degenaasho siyaasadeed, horumar dhaqan-dhaqaale iyo barwaaqo baahsan oo ka hanaqaadda dalkeenna.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM