Xasan Sheekh: Wiilku si kasta oo uu u dadaalo aabihiis uma abaal gudikaro

Image
Dhankiisa, madaxwayne Geelle ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta diiran iyo martisoorka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabad casho sharaf ah oo ka dhacday Madaxtooyada ku maamuusay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wafdigiisa.

Billad Qaran ayuu guddoonsiiyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle taasoo uu xusay in uu ku mutay kaalintiisa dowlad-dhiska iyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed

Xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti ayuu carabka ku adkeeyay in uu yahay mid ku dhisan wada dhalasho, wax wada-lahaansho iyo derisnimo.

"Caawa, waa habeen taariikhi ah iyo fursad aan kor ugu qaadeyno walaalnimadeenna. Wiilku si kasta oo uu u dadaalo Aabihiis uma abaal gudikaro, inaguna sidaas oo kale ma gudikarno abaalka iyo kaalinta lama ilaawaan ee ay noo galeen walaalaheenna Jabuuti," ayuu Xasan Sheekh yiri.

Dhankiisa, Geelle ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta diiran iyo martisoorka heerka sare ah ee loo sameeyay ayaa adkeeyay in la xoojiyo isku-duubnimada shacabka Soomaaliyeed si looga gudbo caqabada ku xeeran hirgalinta himmilooyinka labada dal iyo shacab ee walaalaha ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM