Xasan: Waa codsaneynaa dhaqaale illaa amni aan darada ka baxeyno

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay shirkii ka qabsoomay Kampala.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay ku guuleysatay in ay taageero horleh ka hesho dalalka dariska ah si ay u baacsato Al-Shabaab kadib markii hogaamiyayaasha ay ku kulmeen caasimadda Kampala.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa martigeliyay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka KMG ah ee Soomaaliya (Atmis).

Hogaamiyeyaasha oo shirkooda ku adkeeyay ahmiyada soo afjarida howlgalka ATMIS ayaa waxay codsadeen in la kordhiyo taageerada dhaqaale si loo xaqiijiyo kala guur sax ah.

"Weli waxaan codsaneynaa oo aan codsaneynaa in aad sii wadaan taageeradaada ilaa ay Soomaaliya ay ka xoroobeyso amni darrada, taas oo aan dhammaanteen hubno oo ay naga go’an tahay in ay dhacdo," ayuu shirka ka yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

La wareegida amniga

ATMIS oo lagu badalay AMISOM sanadkii hore bishii April ayaa waqtigeeda lagu wadaa inuu ku ekaado December 2024, iyadoo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu riixay dhimista ciidamada laga bilaabo December 2022 ilaa June 2023.

Ka hor shirka Khamiistii ee madaxda ayaa la isku afgartay in qiimeyn wadajir ah lagu sameeyo xaaladda amniga, qorsheynta iyo isku xirka si loo dhimo waqtiga iyo in Soomaaliya ay u diyaargarowdo sidii ay amniga u qaadi lahayd.

Wasiirada Difaaca iyo Arrimaha Dibadda ee dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo saaxiibada ATMIS ayaa doonaya in si wadajir ah ay uga baxaan askarta Soomaaliya si ay u xaqiijiyaan waarida guulaha amni oo la gaaray.

Cunaqabateyn hubka

Midowga Afrika ayaa sidoo kale waxa uu taageero u muujiyey codsiga ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya Soomaaliya ee ahaa in gebi ahaanba laga qaado cunaqabateynta hubka.

AU-da ayaa waxay qireen "horumarka Muqdisho ay ka sameysay halbeegyada muhiimka ah ee lagu qeexay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2662".

Soomaaliya ayaa waxaa saaran cunaqabateyn dhanka hubka ah tan iyo sanadkii 1993-dii markaasoo ay awooda waddanka badankiisa gacanta ugu jirtay hogaamiye kooxeedyadii.

Cunaqabataynta ayaa markii hore lagu bartilmaameedsaday hogaamiye kooxeedyo balse waxaa la bedelay sanadihii dambe si diirada loo saaro argagixisada. Muqdisho waxay doonaysaa gacan xor ah oo ay hubka uga soo iibsato suuqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM