Diyaaradaha ka yimaada Muqdisho oo laga mamnuucay Garoonka Cadaado

Image

CADAADO, Somaaliya - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf" ayaa xayiraad kusoo rogay Garoonka Diyaaradaha magaaladda Cadaado, xilli Khilaafka Madaxda sare ee maamulkaasi cirka isku sii shareerayo.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Xaaf, ayaa Garoonka Cadaado looga mamnuucay in ay ka degaan Diyaaradaha ka imaanaya magaalada Muqidsho, taasi oo isla saaka dhaqan-gashay.

Hay’adaha ay ku socoto warqadan ayaa la faray in ay u hoggaansamaan fulinta amarka Madaxweynaha, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka, Wasaaradda Amniga Galmudug iyo Shirkadaha Gaarka loo leeyahay.

Amarkan cusub ayaa Xildhibaano katirsan Galmudug waxay sheegeen uu sii hurin karto mowjadaha siyaasadeed ee hada ka taagan Galmudug, taasi oo ka dhalatay Taageeradii Xaaf ee Xulufada Sacuudiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM