Xeebaha Soomaaliya oo dib ugu soo cusboonaaday Burcad-badeedka

Image

WASHINGTON (GO) - Wasaaradda Difaaca Maraykanka ayaa maanta sheegtay in burcad badeed Soomaali ah ay ka danbeeyeen isku daygii lagu doonayay in lagu afduubo markab ganacsi oo shalay marayay gacanka Cadan, iyada oo caddeysay in Xuutiyiinta aysan gacan ku lahayn.

Afhayeenka Pentagon-ka General Patrick Ryder ayaa yiri:

"Waan sii wadeynaa baarista, laakiin calaamadaha hordhaca ah waxay muujinayaan in shanta qof oo isku dayga ka dambeeyay ay yihiin Soomaali."

Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Mareykanka ayaa badbaadiyay markab ganacsi oo lagu magacaabo “Central Park”, kaasoo gacanta ku dhigeen rag hubeysan.

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in ragga weerarka geystay ay ku xiranyihiiin markabka dagaalka Mason uu Mareykanku leeyhay.

Waxaa sidoo kale dhawaan xeebaha Puntland laga afduubay markab lagu magacaabo Al-Micraaj, iyada oo dadka falkaas geystay ay codsadeen 400,000 oo Dollar si loo sii daayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM