Xeer-ilaalinta oo lagu eedeeyay "marin-habaabinta" dacwada Cabdalla

Image
Daladaha warbaahinta madaxa-banaan ayaa waxay dalbadeen in xorriyadiisa loogu soo celiyo Cabdalla "sidda ugu dhaqsaha badan".

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaar kamid ah ururadda warbaahinta madaxa-banaan ayaa cambaareeyay qoraalka soo Xafiiska Xeer-ilaalinta Soomaaliya kaasoo lagu difaacay xariga Cabdalla Axmed Muumin.

Bayaankan ayaa waxaa si wadajir ah u faafiyey Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (SJS), Daladda Badbaadada Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (SMSJ) iyo Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA).

Ururaddan ayaa tibaaxay in qoraalka xeer-ilaalinta uu yahay "marin-habaabin lagu sameyanyo dacwadda" waxaana ay dalbadeen in xorriyadiisa loogu soo celiyo Cabdalla "sidda ugu dhaqsaha badan".

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (SJS), Daladda Badbaadada Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (SMSJ) iyo Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) waxay cambaareeynayaan War-Saxaafadeedka ku saabsan xarigga sharci-darrda ah ee Xoghayaha Guud ee SJS, Abdalle Axmed Muumin oo shalay, Talaado 28-ka February kasoo baxay Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qararanka, kaasi oo ujeedkiisu yahay in la marin habaabiyo dacwadda Xoghaye Cabdalla Axmed Muumin.

Bahda warbaahinta Soomaaliyeed oo la-tashi la sameeyay qareennada Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS oo ka walaacsan xarigga Xoghayaha SJS Abdalle Axmed Muumin iyo warqadda kasoo baxday xafiiska xeer ilaalinta qaranka ayaa soo saaray qodobadan hoose.

- War-saxaafadeedkan oo ku taariikhaysnaa 28-dii February, 2023 laguma xusin in Xoghayaha SJS Abdalle Axmed Muumin ay xubno ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA ay si baalmarsan sharciga ugu xireen garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

- Xeer ilaalintu waxay meesha ka saartay in dacwadda Cabdalla ay tahay mid ku salaysan warbaahinta iyo xorriyadda saxaafadda, iyadoo Cabdalla lagu soo oogay dacwad ku saabsan shir jiraa’id oo ay si wadajir ah xafiiska SJS ugu qabteen bahda Warbaahinta Soomaaliyeed 10-kii October 2022. Dhageysiga maxkamadda ayaana si toos ah looga sii daayay warbaahinta, waana laga heli karaa.

- Xafiiska Xeer Iilaalintu hadda sharci uma lahan in uu kiiskan ka hadlo, waxuuna war-saxaafadeedkan muujinayaa in la siyaasideynayo dacwadda xoghayaha SJS oo aan loo heyn sabab sharci ah. Waxayna taasi muujinayasaa in maxkamadda gobalka Banaadir ay wax ka bedal ku sameysay xukunkii asalka ahaa oo ku taariikhaysnaa 13-February 2023.

- Qoraalka xeer-ilaalintu wuxuu si toos ah u muujinayaa in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Maxkamadda Gobalka Banaadir ay isla-garteen in Xoghayaha SJS Abdalle Axmed Muumin lagu rido xukun kale oo culus, waxayna Xeer Ilaalintu ku timaamtay Abdalle Muumin in uu yahay "Dambiile", iyadoo aysan xaq u lahayn in ay si sharci ah u isticmaasho eraygaasi.

Kadib markii ay Maxkamadda gobalka Banaadir ay damaanadda kala noqotay Abdalle Muumin, Maxkamadda Racfaanka ayaa damaanad ku taariikhaysan 22 October, 2022, sumaddeeduna tahay MRGB/69/2022/BG siisay Abdalle Muumin, sidaasi darteed Maxkamadda gobalka Banaadir xaq uma lahan in ay Cabdalla ka qaado Damaanadda. Keliya Maxkamadda Racfaanka ayaa awood sharci u leh in ay la noqoto damiinteeda.

Xeer Ilaalintu waxay ku eedeysay mas’uuliyiinta Xabsiga dhexe in ay si sharci-darro ah ay ku sii daayeen Abdalle Muumin, islamarkaana ay kasoo horjeesteen go’aankii Maxkamadda, waxayna sheegeen in Abdalle uu ahaa baxsad, balse Abdalle waxaa lagu sii daayay si sharci ah, wuxuuna ku sugnaa magaalada in ku dhow laba todobaad, kadib markii la sii daayay.

Si kastaba, War-saxaafadeedkan kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa imaanaya wax ka yar 24-saac kadib markii uu Baarlamaanka Soomaaliya uu ka dooday sii socoshada tacaddiyada ka dhanka ah Xoghayaha SJS Abdalle Axmed Muumin, xildhibaannaduna ay dalbadeen xorriyad usoo celinta Abdalle Muumun si shuruud la’aan ah iyo in baaritaan dhab ah lagu sameeyo kiiskan. Baarlamaanka ayaa kiiskan u xilsaaray guddiga Warbaahinta ee Baarlamaanka golaha shacabka in ay soo baaraan oo ay soo diyaariyaan warbixin ku saabsan kiiskan.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (SJS), Daladda Badbaadada Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (SMSJ) iyo Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) waxay cambaareenayaan war-saxaafadeedka marin habaabinta ah ee kasoo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya, kaasi oo ujeedkiisu yahay lagu qaldo, laguna maran habaabiyo bulshada Soomaaliyeed xaqiiqada ku xeeran kiiskan.

Ururada Warbaahinta Soomaaliyeed waxay sidoo kale si wadajir ah u cambaareenayaan cadaadiska iyo cabsigelinta joogtada ah ee ka dhanka ah Xoghayaha Guud ee SJS Abdalle Axmed Muumin, waxayna dalbanayaan in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo Xoghayaha SJS.

Bahda Warbaahinta Soomaaliyeed waxay sidoo kale ugu baaqayaan saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya taageera in si cad u cambaareeyaan xarigga sharci-darrada ah ee dib loogu geystay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Abdalle Axmed Muumin oo ah si qarsoodi ah oo baalmarsan sharciga dalka ugu xiran Xabsiga Dhexe ee Xamar.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra'iisul Wasaare Xamse oo booqasho ku tagaya waddanka Kenya

Socdaalkan ayaa imaanaya xilli uu Nairobi ka socdo shirka 3-aad ee Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 04:55AM

Xamse oo furay kulan lagu darsayo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya

Kulanka aqoon isweydaarsiga ah ayaa waxaa goobjoog ka ah Wasaaradaha Wax-soosaarka dalka.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:50PM