Xeer-ilaaliyaha Soomaaliya oo digniin u diray Bangiyadda Ganacsiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Bangiyada Ganacsiga waxay ku muteysan doonan ciqaab hadii lagu helo in ay shaqaalaha dowladda u fududeeyaan falalka xatooyada, sida uu cod dheer uga digay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Digniintaan ayaa kusoo hagaageysa xilli qaar kamid ah caddeymaha kiisaska mas'uuliyiinta musuqmaasuqa loo maxkamadeeyay todobaadyadii lasoo dhaafay ay lugaha la galeen Bangiyada Maxaliga ah ee ku yaala wadanka.

Sulayman Maxamed Maxamuud, xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka oo warbaahinta la hadlay, ayaa soo bandhigay tusaale la xiriira qaabka Bangiyada Ganacsiga ugu lug-yeesheen xatooyo agaasime guud uu sameeyay.

Sidoo kale, wuxuu daah-furan u sharaxay xeelada ay mas'uuliyiinta la xukumay u isticmaaleen in ay ku xadaan hantida dadweynaha.

"Khaladaadka la rabo in ay saxaan Bangiyada Ganacsiga Soomaaliya waxaa kamid ah in marka Wasaarad ama Hay'ad dowladeed ay Jaag qorto, waxaa la rabaa in lacagtaas uu la baxo Jeegaas qofka ku qoran," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Laakiin lagama aqbali doono qofkii Jeega soo qoray naftiisa intuu yimaado oo Jeegii gedaal dambe ka saxiixo in isla asagii soo qoray uu lacagtii la baxo, [iyaddoo uu u fududeynayo isla Bangiga]".

"Tusaalaha hadda horteyda yaalo waxa weye hotel ayaa waxaa loo qoray lacag, waxaa soo saxiixay agaasimihii guud iyo agaasimihii maaliyadda, waxaa la rabay huteelkii Jeegaan in uu qaato uu isaga la baxo lacagta; maxaa la sameeyay? Jeega wax jira maba ahanba Bangiga maba yaqaano logadiisa ayaa la sameystay Jeeg Bangi ayaa laga dhigtay lacagtii waxaa loo qoray in huteelkii la siiyey ka bacdi isla agaasimihii naftigiisii ayaa inta ka daba tegay saxiix gedaal kaga soo dhufsaday, ninka shaqaalaha ka tirsanaa Bangiga ayaa u fududeeyay, lacagtiina sidaas ayuu kula baxay; hal lacag lee ma ahanee lacago badan buu sidaas kula baxay," ayuu ku daray, isagoo Bangiga ka codsaday in ay hubiyaan qofka lacagta qaadanaya iyo magaca ku qoran Jeega uu waqtigaas gacanta ku wato.

Bishii hore ee August, 2020, maxkamada gobolka Banaadir ayaa xukuntay saddex kiis oo Xafiiska Xeer-ilaalinta uu baaritaan ku sameeyay, kuwaasoo la xiriiray wax-is-dabamarin ay ku kaceen mas'uuliyiin iyo shaqaale dowladeed.

Hay'adda Transparency ayaa warbixinteeda 2019 waxay Soomaaliya gelisay kaalinta koowaad wadamada ugu musuq-maasuqa badan caalamka.

Dowlada ayaa u dabaaldegtay maxkamadeynta mas'uuliyiinta, balse dadka kasoo horjeeda waxay ku doodeen in ay jiraan madax ka sareysa oo ku tagrifalay hantida dadweynaha loona baahan yahay in kuwaas ay wajahaan cadaaladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM