Xeer Ilaaliye ku xigeenka Soomaaliya oo xilka laga qaadey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in xilkii laga qaadey ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Soomaaliya, Axmed Cali Abuukar xilli ay taagan tahay xiisad ka dhalatay xarigii Cabdiraxmaan Cabdishkuur.

Axmed Cali Abuukar ayaa wararku waxay sheegayaan in xilka uu ka qaadey Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, inkastoo wali digreetada aan la shaacin.

Illo-wareedyo ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in xilka qaadista Xeer Ilaaliye ku xigeenka ay la xiriirto xarigii Cabdiraxmaan Cabdishkuur, oo uu kasoo horjeeday sida ay dowladda ula macaamishay kiiskiisa.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Axmed Cali Daahir ayaa lagu soo waramayaa inuu taageero xooggan ka haysto Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre si uu ugu guuleyso kiis dembiyeedka lagu soo oogay CC Shakuur.

Axmed Cali Daahir ayaa todobaadkan racfaan ka qaatey go'aankii Maxkamadda gobolka Banaadir kusoo daysay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, isagoo racfaankiisa ay aqbashay inay dhageysato Maxkamadda racfaanka gobolka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo horey Wasiir iyo musharax Madaaxweyne usoo noqday ayaa waxaa lagu soo eedeeyay abaabulka mooshin ka dhan ah Farmaajo iyo inuu dhaqaale kasoo qaatey dowlado shisheeye si uu u dumiyo dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM