Xeer Ilaaliye ku xigeenka Soomaaliya oo xilka laga qaadey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in xilkii laga qaadey ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Soomaaliya, Axmed Cali Abuukar xilli ay taagan tahay xiisad ka dhalatay xarigii Cabdiraxmaan Cabdishkuur.

Axmed Cali Abuukar ayaa wararku waxay sheegayaan in xilka uu ka qaadey Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, inkastoo wali digreetada aan la shaacin.

Illo-wareedyo ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in xilka qaadista Xeer Ilaaliye ku xigeenka ay la xiriirto xarigii Cabdiraxmaan Cabdishkuur, oo uu kasoo horjeeday sida ay dowladda ula macaamishay kiiskiisa.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Axmed Cali Daahir ayaa lagu soo waramayaa inuu taageero xooggan ka haysto Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre si uu ugu guuleyso kiis dembiyeedka lagu soo oogay CC Shakuur.

Axmed Cali Daahir ayaa todobaadkan racfaan ka qaatey go'aankii Maxkamadda gobolka Banaadir kusoo daysay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, isagoo racfaankiisa ay aqbashay inay dhageysato Maxkamadda racfaanka gobolka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo horey Wasiir iyo musharax Madaaxweyne usoo noqday ayaa waxaa lagu soo eedeeyay abaabulka mooshin ka dhan ah Farmaajo iyo inuu dhaqaale kasoo qaatey dowlado shisheeye si uu u dumiyo dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM