Xeer ku saabsan askari lagu dilay gudaha Soomaaliya oo la ansixiyey

Image

WASHINGTON, US – Baarlamaanka Mareykanka ayaa qarka u saaran in uu meelmariyo hindise sharciyeed xarun caafimaad loogu magac-darayo askari Ameerikaan ah oo laba sano kahor lagu dilay gudaha Soomaaliya.

Aqalka Wakiilada ayaa xeerkaan ansixiyey Arbacadii, waxaana qorshuhu yahay in loo gudbiyo Senate-ka si waajibaadkooda uga gutaan.

Alexander Conrad oo kasoo jeeda magaaladda Chandler ee gobolka Arizona waxaa loogu magac-darayaa xarun lagu daaweeyo askarta halyeeyada ah ee Mareykanka uga soo dhawacma argagixiso la dirirka.

Sharci-dejiye Andy Biggs oo ka tirsan Jamhuuriga isla markaana ku jira mudaneyaasha gedaal ka riixaya xeerkaan ayaa caddeeyay in ay todobaadka soo aadan uu Aqalka Sare cod u qaadi doono hindisa sharciyeedka.

Sidda ay warisay saxaafadda maxaliga ah, mudaneyaasha u ololeynaya xeerkaan ayaa gaaraya sideed, waxaana ay kasoo jeedaan gobolka Arizona.

Conrad ayaa bishii June 8-deeda sanadkii 2018-kii waxaa lagu dilay Soomaaliya kadib markii ay weerar gaadmo ah ku ekeysay Al-Shabaab.

Ciidamadda Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa tiradooda waxaa lagu sheegaa in ay gaarayaan ku dhowaad 500 isla markaana ay isugu jiraan tababareyaal, sirdoon iyo askar fulisa howlgaladda ka dhanka ah argagixisadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM