XFS oo Puntland ku bogaadisay kaalinteeda gurmadka fatahaadaha

Image

BELEDWAYNE, Hiiraan – Wafi balaaran oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaarey magaaladda Beledwayne, xarunta gobolka Hiiraan.

Mas'uuliyiinta oo ka kala socda Xukuumadda iyo Baarlamaanka ayaa waxaa ku jira qaar degaan doorashadoodu tahay gobolkaas dhaca bartamaha waddanka.

Socdaalka xubnahan oo dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid ayaa daaran xaaladda halkaas ka jira oo ka dhalatay fatahaadyo uu sameeyay Webbiga Shabeelle.

Cabdullaahi Goodax Barre, wasiirka Waxbarashadda xukuumadda federaalka, ayaa qiray in xaaladu tahay mid u baahan in qof walba oo door ku yeesho.

Dhinacyadda illaa iyo haatan gurmadka ka qeyb-qaadanaya ayuu wasiirku oo la hadlay warbaahinta mahad-celin balaaran u jeediyay.

Goodax Barre, oo kamida Guddiga Gurmadka Fatahaadaha oo gargaar aan ku fileyn gaarsiiyey Beledwayne, ayaa bulshadda ku booriyey in ay sii wadaan gurmadka.

"Si gaar ah waxaan u mahadcelinayaa doorka ay Puntland ka qaadaneyso iyadda oo adeegsaneysa warbaahinada kala duwan," ayuu ku daray wasiirka.

Xukuumadda Puntland oo ku dhawaaqday in ay kaalin fiican qaadaneyso ayaa dardargelisay in ay bulshadda ku wacyi geliso in ay door cayaaraan.

Magaalooyinka waaweyne ee maamulkan ayaa waxaa ka socda olole is-xilqaan ah oo ay wadaan bulshadda, kaasoo ay lacago ugu uruurinayaa dhibaneyaasha.

Dib u dhaca dhowrka jeer ku yimid socdaalka wafdigaan ayaa waxaa sababta ugu weyn lagu sheegay garoonka diyaaradaha oo biyo badan dageen.

"Maalin kasta maahan in la yiraahdo garoonka ayaa biyo badan degay, waa in aan ka shaqeynaa sidii caqabada loo xalin lahaa," ayuu Goodax Barre ku daray.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey u waydiisatay Beesha Caalamka in ay maalgeliyaan "xalka waara" ee fatahaadyadda kusoo noqnoqday Hiiraan.

Sababta ay Beledwayne ugu soo laab-laabteen fatahaadyadda ayaa waxaa lagu sifeeyaa magaaladda oo ka hooseysa Webigga.

Sidda ay xaqiijisay dowladda, tobanaan ruux oo ay ku jiraan mas'uuliyiin ayaa ku dhintay fatahaadyadda Beledwayne, waxaana ku barakacay boqolaal kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM