XFS oo cadaadis saareysa hay'addaha maamula kaalmada dibadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dedaal ugu jirto sidii ay ula wareegi lahayd maamulka kaalmadda Beesha Caalamku siiso dowladda.

Hay’addo kala duwan ayaa haatan maamula deeqahaasi, waxaana ay jaan-gooyaan meelaha lagu bixinayo iyo qarashka.

Cabdullaahi Xaamuud, wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka, oo shaaciyey in dowladdu dooneyso in ay la wareegto howshaasi ayaa kalsooni ka muujiyey in ay ku guuleysan doonan.

Mr Xaamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale tibaaxay in ay u han-qaltaagayan in ay sharciyad siiyaan kaalamadaasi iyo in la hubiyo hadii ay gaartey goobaha looga baahan yahay mucaawinada.

"Soomaaliya waxaa ku baxda $900 [sagaal boqol] milyan oo dollar-ka Mareykanka," ayuu yiri kadib kulanka Khayre iyo hay’addaha.

Xasan Cali Khayre ayaa kulanka sheegay in qaybo kamid ah Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay ka jirto xaalad bini'aadanimo oo u baahan gargaar degdeg gaar ahaan dhanka biyaha iyo horumarinta.

Soomaaliya oo lagu tilmaamo mid kamid ah dalalka ugu musuqmaasuq badan caalamka ayaa sababtaasi awgeed waxay dhex-lisay in hay’addaha dowladda lagu aamini waayo in lagu wareejiyo lacagta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM