Xiisad dagaal oo ka taagan degmada Ceel-Waaq

Image

CEEL-WAAQ - Wararka aynu ka helayno magaalada Ceel-waaq ee gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, ayaa sheegaya in halkaas ay isku hor-fadhiyaan ciidamada Jubbaland iyo kuwa Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada Jubbaland ee degmada ku sugan ayaa soo sheegaya inay jirto baqdin ku aadan in halkaas uu ka qarxo dagaal labada dhinac u dhaxeeya, maadaama ay xiisadda taagan ay tahay mid saan-saan colaadeed xambaarsan.

Dadka deegaanka oo qaarkood u waramay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay inay lasoo darisstay cabsi xoogan, ayna qaarkood bilaabeen inay isaga baxaan gudaha magaaladda, si ay naftooda ula baxsadaan.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay wadaan is-aruur-sasho si ay isaga difaacaan degmada gulufka colaadeed ee uga soo wajahan xoogaga Kooxa Al-Shabaab.

Xaaladda magaalada Ceel-waaq ee ku dhow xuduudka dalka Kenya ayaa waxay hadda tahay mid kacsan, iyadoo laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii Al-Shabaab ay la wareegtay mudo kooban gacan ku haynta Ceel-waaq, inkastoo ay beeniyeen warkaas saraakiisha iyo mas'uuliyiintan magaaladda.

Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda ayaa kordhiyay maalmihii u dambeeyay howlgalada iska soo horjeeda oo ay fuliyeen labadda dhinac gobolka Gedo, kuwaasoo mid walba uu guul ka sheegaynayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM