Xiisad dagaal oo ka taagan degmada Ceel-Waaq

Image

CEEL-WAAQ - Wararka aynu ka helayno magaalada Ceel-waaq ee gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, ayaa sheegaya in halkaas ay isku hor-fadhiyaan ciidamada Jubbaland iyo kuwa Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada Jubbaland ee degmada ku sugan ayaa soo sheegaya inay jirto baqdin ku aadan in halkaas uu ka qarxo dagaal labada dhinac u dhaxeeya, maadaama ay xiisadda taagan ay tahay mid saan-saan colaadeed xambaarsan.

Dadka deegaanka oo qaarkood u waramay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay inay lasoo darisstay cabsi xoogan, ayna qaarkood bilaabeen inay isaga baxaan gudaha magaaladda, si ay naftooda ula baxsadaan.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay wadaan is-aruur-sasho si ay isaga difaacaan degmada gulufka colaadeed ee uga soo wajahan xoogaga Kooxa Al-Shabaab.

Xaaladda magaalada Ceel-waaq ee ku dhow xuduudka dalka Kenya ayaa waxay hadda tahay mid kacsan, iyadoo laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii Al-Shabaab ay la wareegtay mudo kooban gacan ku haynta Ceel-waaq, inkastoo ay beeniyeen warkaas saraakiisha iyo mas'uuliyiintan magaaladda.

Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda ayaa kordhiyay maalmihii u dambeeyay howlgalada iska soo horjeeda oo ay fuliyeen labadda dhinac gobolka Gedo, kuwaasoo mid walba uu guul ka sheegaynayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM