Xiisad ka dhalatay hubka lagu bilaliqeystay degmada Caabudwaaq

Image
Majirto ilaa hadda cid sheegatay mulkiyadda hubkii iyo saanaddii lagu dagaalamay ee shalay gabal.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dhaqdhaaqyo ciidan ayaa saaka laga soo werinayaa deegaanka Shiilamadow ee Waqooyiga gobolka Galgaduud kadib markii shalay dadka deegaanku gacanta ku dhigeen gaadiid xamuul ah oo hub iyo saanad ka keenay dhanka xuduudka Soomaalida Itoobiya.

Ciidamo katirsan kuwa maamulka Galmudug oo isugu jira nabad sugid iyo Daraawiish ayaa habeenimadii xalay fariisimo ka samaystay goobo aan ka fogeyn magaalada Dhuusamareeb oo deegaanka Shiilamadow hoosyimaad, xilli aan weli la aasin ku dhowaad 10 ruux oo dagaalkii shalay ku geeriyootey.

Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax oo Caabudwaaq ku sugan ayaa DFS iyo Galmudug ku eedeeyey Mas'uuliyadda khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay isagoo ka digey in tallaabo kale la qaado inta laga helayo cid lagula xisaabtamo dhibaatadii shalay dhacday.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mulkiyadda hubkii & saanaddii lagu dagaalamay ee shalay gabal gaabkii gacanta u gashay bulshada deegaanka Shilamadaw ee Waqooyiga gobolka Galgaduud, inkastoo ay gelbinayeen ciidamo katirsan NISA qaybta Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM