Xiisad ka dhalatay rasaas lagu furay guri uu degan yahay Sheekh Shaakir

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya rasaas fiidnimadii Khamiista, 24-ka October 2019, laga maqlay qaybo kamid ah Dhuusamareeb, caasimada Galmudug, gaar ahaan aaga madaxdu degto.

Xabadaha ayaa si gaar ah waxaa looga dareemay xarunta Inji oo ay degan yihiin Madaxda Sare ee ururka Ahlu Sunna Waljameeca iyo Guddigii Doorashada Galmudug ee uu Magacaabay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Ma cadda cidda gantay rasaasta. Hase ahaatee, warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warameysaa in ay rideen cutubyo kamid ah ciidanka dowladda federaalka.

Khasaaro – dhimasho ama dhaawac oo ka dhashay rasaas lama soo warin. Balse xiisad ka dhalatay arrintaan ayaa lasoo warinayaa in aad loo dareemay.

Goobta rasaasta oodda looga qaadey ayaa waxaa ka socotay dhismaha waxa loogu yeero Koolba Waardiye [meelaha loogu talo galay in ciidanku ay wax ka ilaaliyaan].

Mas'uuliyiinta ayaa laga soo xiganayaan in ay socdaan dedaalo la doonayo in lagu qaboojiyo xaaladda kacsanaanta ah oo holac kusii shideysa mida siyaasadeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa ugu sugan magaaladda xalinta khilaaf soo cusboobaadey ee xukuumadda iyo Ahlu Sunna.

Ismaandhaafka ayaa ku saabsan maamulka doorashadda la filayo in ay ka qabsoonto degaanada Galmudug iyo magacaabida Guddiga Doorashooyinka.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa la sheegayaa in uu qorsheynayo socdaal uu ku tago Dhuusamareeb si uu u soo afjaro isqabqbasiga daba dheeradey.

Villa Soomaaliya ayaa damacsan in ay Galmudug ka hesho madaxweyne daacad u ah si ay uga fushato danaheeda doorashadda 2020, balse xisbiyadda iyo dowlad goboleedyadda qaar waxay aad uga digeen "farogelin bilaa sharci ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM