Xiisad ka dhalatay taliye sarre oo lagu khaarijiyey magaalada Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xiisad ka dhalatay dilka taliyihii ururka Gorgor ee kumaandooska Soomaaliya, Maxamed Suleymaan Abuukar, ayaa laga dareemayaa qaybo kamid ah magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Sarkaalkan ayaa ku geeriyooday iska hor-imaad dhexmaray ciidamo kawada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo ka dhacay agagaarka Madaxtooyadda gaar ahaan kontaroolka Huteel Naasahablood 2.

Ma cadda waxa keenay isku dhaca oo dhexmaray ilaaladda taliyaha iyo ciidamo boolis oo ku sugnaa kontaroolka.

Taliska Booliska oo war qoraal ah soo saarey ayaa wuxuu shaaca ka qaadey in dhowr askar loo qabtay falkan, kuwaasoo baaritaano ku aadan dhacdada lagu sameynayo.

Xiisadda ayaa ka dambeysay markii eheladda marxuumka ay ka biyo diideen in la aaso meydka inta ay ka cadaaneyso cidda ka dishay, sidda ay baahisay VOA-da oo soo xiganeysa warar ay baahiyeen warbaahinta.

Warar ayaa sheegaya in askarta ku sugnaa kontaroolka ay ahaayeen ilaalada huteelka Naasahablood 2, kaasoo uu leeyahay Maxamed Abuukar Islow Ducaale, wasiirka amniga xukuumada federaalka Soomaaliya.

Waa kuma Maxamed Suleyman Abuukar?

Ciidamadda uu Turkiga sida gaarka u tababaray ee loo yaqaano Gorgor ayuu taliye ku u ahaa. Dadka yaqaana waxay ku sifeeyeen ruux aad u jeclaa askarnimadda.

Kahor inta uusan ilaaladda Madaxtooyadda mar soo noqday gaar ahaan dowladii Sheekh Shariif, Abuukar ayaa sidoo kale tababaro kala duwan u aaday dalalka Turkiga iyo Uganda.

Sidda ay sheegeen saaxiibadii, 34-sano jirkan ayaa waxa uu lahaa 13-sano oo waayo-aragnimo ciidan ah, wuxuuna ku hadli jiray 4 luqadood. Dhalinyaradda Xoogga dalka ayuuna kamid ahaa.

Howlgaladii lagu xoreeyay Bariire iyo Awdheegle ayaa la sheegay in uu ahaa sarkaalkii hogaaminayey. Halkaas ayaa la rumeysan yahay in ay tahay meesha ay ku barteen badi madaxda ugu sareysa dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM