Xiisad ka taagan Dhuusamareeb kadib markii la joojiyey munaasabad

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Xiisad siyaasadeed ayaa maanta oo Arbaco ah laga soo warinayaa Dhuusamareeb, caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Jahwareerka ayaa ka dambeeyay markii la joojiyey munaasabad lagu wadday in ay ka qabsoonto mid kamid ah huteelada xarunta gobolka Galgaduud.

Munaasabadda ayaa ahayd mid lagu taageerayey Xildhibaanadda Ahlu Sunna u xulatay in ay ku metelaan baarlamaanka maamulka Galmudug.

Qaar kamid ah Xildhibaanadda ay Ahlu Sunna soo bandhigtay ayaa sheegay in ciidamadda is hortaagay xafladda ay ka amar-qaataan dowladda federaalka.

Dhinaca kale, xukuumadda federaalka ah ayaanan illaa iyo haatan jawaab ka bixin eedeynta culus ee loo jeediyey.

Xaaladan soo cusboonaatay ayaa kusoo aadeysa xili Guddiga doorashooyinka soo bandhigay shuruudo looga mid noqonayo baarlamaanka.

Ahlu Sunna oo kasoo horjeesatay habraacaas ayaa ku doodey in heshiiska ay la gashay dowladda uu xeerinayo in iyaddu soo xulato mudaneyaasha metalaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM