Xil. Ilhaan Cumar oo si kulul uga hadashay damaca Itoobiya ee Badda Cas

Image
Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in aan la qaadan karin taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.

Minneapolis (GO) - Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa si kulul uga hadashay damaca Itoobiya ee Badda Cas, iyadoo sheegtay in badda Soomaaliya aan la iska qaadan karin.

Ilhaan Cumar oo ka hadashay munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in aan la qaadan karin taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.

Ilhaan ayaa xaqiijisay in dowladda Mareykanka aysan ka taageeri doonin dal kale in uu weeraro madaxbanaanida Soomaaliya.

“Inta aan aniga joogo Congress-ka Mareykanka, cid qaadan karto malahan Badda Soomaaliya.” ayay tiri Ilhaan Cumar.

Waxay sidoo kale ku ammaantay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud go’aanka adag ee ay dowladdu qaadatay.

Ilhaan Cumar ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay midoobaan oo ay garab istaagaan dowladooda si ay uga jawaabaan damaca Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM