Farmaajo oo "aqbalay" in shirka 15-ka Febraayo ka dhaco Xalane

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa cadaadiska Beesha Caalamka ku ogolaadey in shirka uu iclaamiyey ee 15-Febraayo uu ku qabsoomo Muqdisho, sidda uu sheegay Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka muddo dhaafay.

Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed oo dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud ka noqdey Wasiirka Amniga, ayaa warkaas wuxuu kasoo xigtey illo wareed uusan magacaabin.

Shaci-dejiyaha ayaa intaas ku daray in wadahadalka uu ku qabsoomi doono xerada Xalane oo fariisin u ah wakiiladda Beesha Caalamka u jooga magaaladda Muqdisho.

"Illo wareed: Farmaajo wuxuu ugu dambeyntii u dabcay cadaadiska Beesha Caalamka, wuxuuna aqbalay in shirka 15-ka Febraayo uu ku qabsoomo Xalane, Muqdisho," ayuu Cabdirisaaq kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Twitterka.

Kadibka burburka shirkii Dhuusamareeb 4 laba maalmood kahor inta muddo xileedkiisa dastuuriga aysan dhamaan, Farmaajo ayaa horaantii todobaadkan iclaamiyey shirkaas kuna baaqay in uu ka dhaco caasimadda Puntland ee Garowe.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso shirka balse waxay xustey in aan lagala tashan in uu ka dhaco Garowe, iyadda oo ku talisay in lagu kulmo Muqdisho kana qeybgalaan Beesha Caalamka iyo saamileyda siyaasadda.

Jubaland, Aqalka Sare iyo Midowga Musharaxiinta oo taageeray mowqifka Puntland ayaa si isku mid ah uga dhawaajiyey in muddo xileedka Farmaajo iyo dowladiisa uu  guud ahaana ku ekaa 8-dii Febraayo sanadkii 2021-kii.

Shirkaas Farmaajo ku dhawaaqay oo u muuqda caqabad cusub oo kusoo biiray khilaafka doorashooyinka ayay dad badan ku qeexeen xeelad ay Villa Soomaaliya kusii dheereysaneyso xilheynta si ay muddo kororsi u helaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM