Xildhibaan Fiqi: DF ma waxay dhiseysaa Gal-Xamar mise Galmudug?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, oo ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa su'aal ka keenay nooca uu yahay maamulka ay dowladdu u dhiseyso Galmudug.

"Gal-Xamar mise Galmudug?" waa qeyb kamid ah qoraal kooban oo mudanaha uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook, isagoo  ka celinaya xaalada murugsan ee dowlad goboleedkaas.

Madaxweyne Farmaajo ayuu cod dheer ugu tartarsiiyey in uu soo farageliyo doorashooyinka Galmudug, oo haatan u muuqda mid lagu sii kala fogaanayo maadaama ay jiraan eedeymo culus.

Xukuumada ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu eedeeyay in ay "maroorsatay" hanaanka doorashadda isla markaana ay dooneyso in ay kusoo saarto murashax, iyadoo "malxiis ka dhigeysa kuwa kale".

Hoos ka akhriso qoraalka Xildhibaanka

Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu wakiil ka yahey raysulwasaare Kheyre waa ku fashilantey geedi-socodka dhismaha maamulka Galmudug, waxeyna Galmudug waajahaysaa xaalad adag iyo Khilaaf sii ballaaranaya oo sababi kara In maamullo is feeryaacaya oo dhowr ahi ay ka dhismaan.

Dadka Galmudug ku sugan waxey u eg yihiin kuwo maamulkoodii marti ka ah, hal hanaan maamul dhisid ka badan ayaana ka socda Galmudug.

Waxaa la isweydiinayaa Gal-Xamar miyaa la dhisayaa mise Galmudug marka la eego dadka laga soo daad-gureeyey Xamar ee marooqsadey masiirkii Iyo maamul dhisiddii Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo waxaa u haboon inuu soo farageliyo xaalka Galmudug inta uusan ka tallaabin xuduuddii loogu talagaley maadaama uu ku fashilmey RW Kheyre welina ku rafanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM