Xildhibaan: Awoodda Hanti Dhowraha si sax ah uma shaqeyso

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa horyaala sharciga Hanti-dhowrka, kaasi oo ay marsiiyeen akhrinta saddexaad, sida uu qabo xeer-hoosaadka Gollahaan uu leeyahay.

Kaliya haatan waxaa harsan in mudanayaasha Aqalka Hoose ay cod u qaadaan si uu noqdo mid sharci ah, islamarkaana la bilaabo sidii loo fulin lahaa, islamarkaana Hantidhowrka uguto shaqooyinkiisa.

Sida laga soo xigtay xoghayaha Guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadaha ee Gollaha Shacabka, sharciga waxaa ku xusan in xafiiska Hantidhowrka oo haatan hoostaga laanta fulinta laga madax-banaaneen doono.

Cabdullaahi Maxamed Nuur, xoghayaha Guddiga maaliyadda ayaa tibaaxay in talaabani ay hor-seedayso in Hantidhowraha qaranka uu yeelanayo awood uu ku baari karo xafiis walba oo hay’addaha dowladda kamid ah.

“Sharciga haatan horyaala Gollaha ayaa dhigaya,” ayuu ku jawaabay Nuur, markii la waydiiyay inay wanaagsanaan lahayd in Hantidhowrka laga madax banaaneeyo xukuumadda xili uu uwarmayey idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga.

Xafiiska Hantidhowrka qaranka oo uu haatan madax uyahay Maxamed Maxamuud Cali [Afgooye] ayaa waxaa ansixiyay Gollaha Wasiiradda Soomaaliya 3-da bishii Agoosto ee sanadkaan kadib markii la eryay masuulkii ka horeeyay.

Waajibaadka xafiiskaan ayaa ah dabagal, kormeerid iyo soo saarida xaqiiqooyinka saxda ah hadii hay’ad dowladeed lagu tuhmo musuq-maasuq, sida uu xeerinayo Dastuurka qabyo qoraalka ah ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM