Xildhibaan iska casiley guddiga doorashada Madaxweynaha Somalia

Image

MUQDIDHU, Somalia- Waxaa is casilay Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag gudoomiye ku xigeenkii guddiga doorashada madaxweynaha, qoraal uu u gudbiyay guddiga doorashada waxaa uu sheegay in uu isu casilay si aan looga shakin shaqada guddiga doorashada madaxweynaha.

Fartaag waxaa uu sheegay in uu si shakhsi ah uga qaybgalay xaflad lagu taageerayay madaxweynaha mushraxa ah Xasan shiikh, maadaama musharixiin badan arintaasi ku dhaliileena uu gartay in uu is casilo si aan kalsoonida guddiga tuhun loogelin.

Shalay ayaa musharixiinta madaxweynaha qaar ka mid ah ku baaqeen in uu  Fartaag is casilo maadaama uu dhexdhexaadnimadii guddiga jebiyay

Wariye: Jamac Deprani 

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM