Xildhibaan ka badbaaday qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Fahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax gaari oo dhacay inta u dhaxeysa isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha, fiidkii Jimcaha.

Saraakiil ka tirsan hay’addaha amaanka ayaa u xaqiijiyay warsidaha Garowe Online in qaraxa uu ka dhashay gaari lagu soo rakibay qarax nooca dhejiska ah.

Ugu yaraan hal ruux, oo ahaa shacab wadada marayay, ayaa illaa iyo haatan la hubiyay ay waxyeelo kasoo gaartay dhacdadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in gaari qarxay uu lahaa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, kaasi oo ku jiray Masaajid halkaasi ka akdhowaa.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa mudanaha magaciisa ku sheegtay Cabdi Waaxid oo u muuqda mid ka badbaaday isku la doonayay in lagu khaarijiyo.

Ma jirto illaa iyo haatan koox dusha saaratay mas'uuliyada qaraxaan balse kooxda Al-Shabaab ayaa ficilada noocaan ah looga bartay.

Waa falkii labaad oo liddi ku ah nabad-gelyadda oo ka dhaca magaala madaxda Soomaaliya tan iyo markii lagu soo rogay xaaladda degdega ah.

Fiidnimadii Khamiista ayay ahayd markii qarax gaari oo lagu weeraray Kuliyada Ciidanka Booliska lagu dilay labo ruux, ayna ku dhaawacmeen 8 kale.

Xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab oo dusha saaratay mas'uuliyada weerarkaasi ayaa shaaciyay in uu ka dhashay khasaaro 16 ruux ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Inuu Joojiyo burburka Wadahadalada Doorashada

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga horimaanaysa codsi ka yimid Villa Somalia oo ku aaddan in wadahadalada la sii wado.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 11:21AM