Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Jubaland oo la dilay

Image
Marxuum Marxuum Isaaq Maxamed Xasan ayaa soo noqdey wasiir ku xigeenka iyo wasiiru-dowlaha amniga maamulka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Jubaland ayaa koox hubeysan ay ku dishay gudaha caasimada Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen xubno kamid ah ehelkiisa iyo illo amni.

Marxuum Isaaq Maxamed Xasan ayaa la toogtey isagoo kasoo baxay masaajid uu ku tukaday Saladii makhrib ee xalay. Dableydii ka dambeysay falkan ayaa ka baxsatay goobta.

Xasan oo lagu waddo in lagu aaso isla magaala madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in uu soo noqdey wasiir ku xigeenka iyo wasiiru dowlaha amniga Jubaland.

War-saxaaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Jubaland ayaa lagu sheegay in madaxwayne Axmed Maxamed Islaam uu tacsi ka diray geerida marxuumka kuna eedeeyay Al-Shabaab.

"Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray ehelkii, qaraabadii, Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland iyo guud ahaan shacabka Jubaland geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Isaaq Maxamed Xasan oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa intaas waxaa la raaciyey: "Kooxo katirsan Khawaariijta ayaa Xildhibaanka dilay isagoo kasoo baxay masaajid uu ku tukaday Saladii makhrib ee [xalay]".

"Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay inuu marxuumka ka waraabiyo janadii fardowso ehelkii iyo guud ahaan shacabka Jubaland ee uu ka baxayna rabi samir iyo iimaan ka siiyo," ayaa lagu soo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM