Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka oo ku dhintay Muqdisho

Image
Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay in marxuumka uu ahaa halyeey waqti badan geliyay dowladnimadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Maxamuud Seeyseey oo xalay goor dambe ku geeriyooday magalada Muqdisho.

"Waxaan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey oo xalay goor dambe ku geeriyooday magaalada Muqdisho," ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay in marxuum-ka uu ahaa halyeey waqti badan geliyay dowladnimadda.

Wuxuuna Alle uga baryey marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo iimaan ka siiyo qoyskiisa, xildhibaannadda Golaha Shacabka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE


 

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM